753 Views

Culimada ku dhaqan Somaliland oo ka hadlay khilaafka doorashada

Culimada ku dhaqan Somaliland oo ka hadlay khilaafka doorashada
____________________________________________________________________________

Sabti: May 28, 2022

Culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan  Soomaaliland ayaa baaq nabadeed u jeediyay Siyaasiyiinta Soomaliland ee isku haya qabashada doorashada Madaxweynaha, kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa.

Qodobo dhowr ah oo ay saareen ayeey Shacabka iyo siyaasiyiinta ugu baaqeen inay si wadar ah oo guud iyo si gaargaar ah ba u toobad keenaan oo Alle u soo noqdaan si Alle korreeye  uu culaysyadan iyo dhibaatooyinka jira ee abaaraha ah, sicir bararka ah, xanuunnada ah iyo khilaafkaba uu ugu dulqaado.

Hoos ka akhriso qodobada ay soo jeediyeen Culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Soomaaliland oo gaaraya 10 qodob kuwaas oo kala ah.

1. Waxa aannu bulshada Soomaaliland madax iyo shacabba ugu baaqaynnaa in ay si wadar ah oo guud iyo si gaargaar ah ba u toobad keenaan oo Alle u soo noqdaan si Alle – korreeye – uu culaysyadan iyo dhibaatooyinka jira ee abaaraha ah, sicir bararka ah, xanuunnada ah iyo khilaafkaba inooga dulqaado.

2. Waxa aannu Madaxda dalka muxaafid iyo mucaaradba ugu baaqaynaa in ay danta guud ee bulshada dhawraan, maslaxadda guudna u tudhaan oo muranka siyaasadeed qaboojiyaan, suulinta khilaafka iyo yareyntiisana ka shaqeeyaan, si heshiis iyo wax la isla oggolyahay loo gaadho si nabad ah.

3. Waxa aannu madaxweynaha si gaar ah ugu baaqaynnaa in uu masuuliyaddiisa odaynnimo muujiyo oo khilaafka jira ku soo afjaro dulqaad iyo tanaasul, isaga oo ku camal falaya xadiiska Nebiga –scw- ( ‏ ما من عبد ترك شيئاً لله إلا أبدله الله به ما هو خير منه من حيث لا يحتسب).

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post