2946 Views

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhintay miino ay dhigayeen duleedka degmada Balcad.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhintay miino ay dhigayeen duleedka degmada Balcad.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 31  Oktoobar 2017 — Sida ay ku soo waramayaan dad ku nool deegaan qiyaastii 10KM ujira degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha Dhexe waxa  ay miino ay dhigayeen kula Qaraxday dagaalamayaal la sheegay in ay ka tirsan Al-Shabaab.

Falkaan ayaa la sheegay in Saacadihi la soo dhaafay uu ka dhacay deegaanka  Daniga oo ay marto  wado isku xirta degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobalada Shabeelooyinka.

Ugu yaraan 4 qof ayaa la sheegay in ay ku dhintayn Miinada kuwaas oo ahaa raggii dhigayay Miinada sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dadka dhintay uu ku jiro Sarkaal Sare oo ka tirsan Al-Shabaab kaas oo qaabilsanaa dhinaca Minooyinka.

Meel aan ka fogeyn halka ay ka qaraxday miinadan ayaa bartamihii bishan ay miino kula qaraxday bas ay saarnaayeen haween beeralay ah iyadoo dhamaaan dadkii saarnaa gaarigaas ay ku geeriyoodeen.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment