1167 Views

Rooble oo maalmo kadib ka hadlay Xasuuqii Amisom ee deegaanka Golweyn gudina u saaray

Rooble oo maalmo kadib ka hadlay Xasuuqii  Amisom ee deegaanka Golweyn gudina u saaray
____________________________________________________________________________

Sabti: August 21, 2021

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeesay ka hadashay dhacdadii Ciidamada AMISOM si gaar ah kuwa Uganda ay ku dileen dad shacab ah deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelada Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya tilmaamay Maxamed Xuseen Rooble in dhacdadaasi ay ahayd mid fowl xun islamarkaana ka dowlad ahaan ay ka damqadeen, isagoo shegay in safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda iyo Taliska AMISOM ay u yimaadeen si arrintaasi ugu tacsiyadeeyaan.

Mr Rooble ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleen, raalina ay ka noqoneen in shacabka soomaaliyeed dhib loo geesto, hadii ay tahay AMISOM iyo hadii ay tahayba Ciidamo Soomaalieed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in shacabka soomaaliyeed ay yihiin lama taabtaan haddii gacan ka xaqdaran ay wax u geesatana ay iyagu diyaar u yihiin iney  u istaagaan ka Xukuumad ahaan loona igmaday in xaqooda ay u istaagaan.

Waalidiintii Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ugu tacsiyadeeyay eheladoodii ay Ciidamada Uganda ay ku dileen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo banaanbaxyo ay cadaaladda ku dalbanayaan qeybo ka mid ah muqdisho ka dhigay.

Guddi heer Wasiiro ah ayuu Ra;iisul wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble u saaray baarista dhacdadaas xanuunka leh.

kuwaas oo kala ah:

1- Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Xasan Xundubey Jimcaale.

2- Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax.

3- Wasiirka Wasaaradda Gaashaadhiga Xukuumadda Xasan Xuseen Xaaji.

4-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Sidookale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Guddigaasi ay beri kulan ay la qaadan doonaan safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda iyo AMISOM, kuwaas oo looga baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay baaritaan ugu soo sameeyaan dhacdadaani jawaabna laga sugayo la xiriirta baaritaankaas.

Ugu dambeyn Mr Rooble ayaa tibaaxay in Safiirka iyo AMISOM ay u sheegeen in gacanta lagu hayo dadkii falkaas geestay sidookale maxkamad la saari doono wixii kasoo baxana gadaal ayaa ka soo sheegi doonaan.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post