645 Views

Ku dhawaad 24 dal oo Afrikaan ah oo dhawaan helaya tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19

Ku dhawaad 24 dal oo Afrikaan ah oo dhawaan helaya tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19
____________________________________________________________________________

Mar: 1/3/2021

ilaa 24 dal oo Afrikaan ah ayaa dhawaan helaya tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19, wuxuu dalalkaas ku gaaraya tallaalka barnaamijka ay taagereyso Qaramada Midoobey ee Covax.

Kenya iyo kamid ah dalalkaas la gaarsiinaya tallaalka Talaadada.

Kenya waxay heli doontaa 1.25 malyan oo xabbo oo tallaalka AstraZeneca Oxford ah halka howlaha tallaalka ay durbadiiba bilaabmi doonaan, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee dalkaas.

Waxaana diiradda la saari doona marka hore sidii loo tallaali lahaa howlwadeenada caafimaadka iyo dadka da’da ah.

Nigeria ayaa helay 3.92 malyan oo xabbo oo tallaalka ah, wuxuu noqonayaa dalkii saddexaad ee ku yaalla galbeedka Afrika ee ka faa’ideysta barnaamijkan.

Ivory Coast ayaa Isniinta noqonayaa dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan qaaradda uu bilaabayo in shacabka uu gaarsiiyo tallaalka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post