1473 Views

Madaxwynaha Puntland oo Magalada Garowe kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxwynaha Puntland oo Magalada Garowe kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Talaado: September 28, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxwynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, uu Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland sida Nidaamka dimuqraadiyadda ee Puntland ku tallaabsatay, xaaladda Covid-19 iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan sidii xal looga gaari lahaa arrimaha siyaasadda ee taagan.

sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Ingiriiska ay la wadaagtay madaxweynaha hambalyo ku aadan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ee guuleystay, waxayna muujisay in Doorashadda hal Qof iyo Hal cod ee ka dhacaysa Puntland ay rajo wanaagsan gelin doonto Soomaaliya inteeda kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post