1275 Views

Midowga Yurub oo shaaciyay qorshe wax looga qabanayo isbadelka cimillada

Midowga Yurub oo shaaciyay qorshe wax looga qabanayo isbadelka cimillada
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 14, 2021

Madaxa isbadalka cimillada ee Midowga Yurub, Frans Timmermans, ayaa waxa uu ku dhawaaqay qorshe lagu jarayo qiiqa hawada lagu sii daayo si bini’aadamku uu u helo fursad uu kula dagaalamo isbadelka cimillada.

Qorshaha Midowga Yurub ayaa ah in la soo afjaro iibka gawaarida naaftada ku shaqeeya wixii loo gaaro 2035, taas oo ka mid ah tallaabooyinka ugu adag ee ka dhanka ah gaaska ee illaa hadda la shaaciyay.

Midowgu waxa uu markii ugu horraysay ku dhawaaqay qorshe lagu canshuurayo shidaalka ay isticmaalaan maraakiibta iyo diyaaradaha, waxaana uu canshuur gaar ah ku soo rogay carbon-ka lagu isticmaalo shamiitada, birta iyo aluminium-ka ee dalalka ay soo dhoofsadaan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post