1521 Views

Ku dhawad 30 qof oo ku dhimatay doon dheereysa oo markab, shilkaan uu ka dhacday Bangladesh.

Ku  dhawad 30 qof oo ku  dhimatay doon dheereysa  oo  markab, shilkaan uu ka dhacday Bangladesh.
____________________________________________________________________________

May 3-2021

Ugu yaraan 26 qof ayaa dhimatay ka dib markii doon dheereysa ay dad rakaab ah kula dhacday markab, waxaana shilkaan uu ka dhacday Bangladesh.

Booliska ayaa sheegay in doonidaan dheereysa ay la socdeen ilaa 36 rakaab ah, waxaana ay ka timid magaalada Mawa ee u dhow magaalada Shibchar.

“Waxaan ilaa hada soo helnay 26 meyd ah oo ay ku jirto haweeney. Waxaan sidoo kale badbaadinay shan qof oo dhaawac ah, oo ay ku jiraan saddex carruur ah” ayuu yiri Amir Hossain oo sarkaal ka tirsan bilayska.

Doonta dheereysa ayaa siday rakaab xadgudub ku ah xayiraadaha dowladda ay sartay dalka  inta lagu gudajiro bandowga  covid-19 oo  waddanka dhan ah.

Dad fara badan iyo dadka deegaanka ayaa 26 mayd ka soo saaray biyaha waxayna raadinayeen kuwa wali la la’yahay, qof goobjooge ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uu jiray sawaxan weyn markii shilku uu dhacay, kadibna doonta ay rogmadeen.

“Markii aan ku degdegnay goobta waxaan helnay doontii dheereysa oo u kala qeybsan labo qaybood. Dad badan ayaa bilaabay in ay qabtaan howlo samatabbixin ah, ka hor inta aysan ku soo biirin booliska iyo dab damiska, ”ayuu yidhi.

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post