564 Views

Soomaaliya hoggaan nuucee ah ayay xilligan u baahan tahay?

Soomaaliya hoggaan nuucee ah ayay xilligan u baahan tahay?
____________________________________________________________________________


Sabti: February 19, 2022

Soomaaliya oo barta kaga jirta doorasho waqtigeeda dhaaftay hadana la kala boobayo, waxaa u taalla ka soo doodista nuuca hogaan ee loo dooranayo dalka.

Doorashada xildhibaanada oo la filayo in ay soo dhamaato ilaa sadexda todobaad ee na soo aadan waxaa xigi doonta u jaan rogashada doorashada guddoonka labada aqal iyo madaxweynaha Villa Somalia fariisan doona, balse calaamad su’aal weyn waxay ka taagan tahay hogaamiye sifo nuucee ah leh baa dalka xilligan adag calanka u sidi kara?!

Khilaafyo siyaasadeed oo aan dhammaan, quus shacab, dagaallo sokeeye, hey’adaha dowladda oo mar isku milma marna wada shaqeyntoodu hakato, waa caqabadihii soo taagnaa dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay, balse hadda cabsi taa ka weyn ayaa muuqata aminkaan.

Waxay dad badan oo xog ogaal u ah marxaladaha dalka uu soo maray ay tilmaameen in doorashadan jirto halis, taasi oo ah in laga wal walayo hadii madaxweyne loo doorto mucaarad ama muxaafad in qolaba midda kale diiddo oo dalku yeesho dowlad lagu kala qeybsan yahay.

“Waa in laga fekeraa xalka ugu macquulsan oo looga fogaanayo dowlad isla Muqdisho qeyb kamid ah laga diidan yahay, waxaana lagu heli karaa madaxweyne in loo doorto shaqsi aan hadda kamid ahayn mucaaradka iyo muxaafadka is heysta” ayuu yiri Prof Cali Mareer oo ah aqoon yahan UK ku nool.

Waxaa bilihii la soo dhaafay gudaha Soomaaliya iyo dibadda aad u xoogeysanaya aragti ku saabsan in madaxweyne loo doorto shaqsi ka madax banaan dhinacyada siyaasadda isku heysta xilligan, balse hana kara kalsoonida shacabka iyo aqbalaadda mucaarad iyo muxaafad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post