711 Views

Kooxda Talibanka oo qabsatay magaalada Kunduz, oo ah magaaladda ugu wayn waqooyiga Afganistaan

Kooxda Talibanka oo  qabsatay magaalada Kunduz, oo ah magaaladda ugu wayn waqooyiga Afganistaan
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 12, 2021

Kooxda Talibanka ayaa qabsatay magaalada Kunduz, oo ah magaaladda ugu wayn waqooyiga Afganistaan waana magaaladii 3aad ee kooxdu qabsato Sadexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Bayaan ka soo baxay Talibanka ayaa lagu sheegay in kooxdu qabsatay xarunta booliska, xarunta guddoomiyaha iyo xabsiga magaalada walina ay halkaasi ka wadaan ka wadaan.

Ilo wareedyo maxalli ah iyo wariyaal ku sugan Kunduz ayaa xaqiijiyay in dagaalyahanada Taliban lagu arkay guddaha caasimadda.

“Iskahorimaadyo culus ayaa billowday galabnimadii shalay, dhammaan xarumaha dowladda waxa gacanta ku haya Daalibaan, kaliya saldhigga ciidanka iyo gegida dayuuradaha ayay joogaan ANDSF [ciidamada ammaanka Afqaanistaan] oo la dagaalamaya Taliban,” ayuu yiri Amrudddin Wali, oo xubin ka ah maamulka gobolka Kunduz.

Saraakiisha caafimaadka ee Kunduz ayaa sheegay in 14 maydad ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur iyo in ka badan 30 qof oo dhaawac ah loo qaaday isbitaal guud ee caasimadda.

“Ma naqaanno waxa dibadda ka socda maxaa yeelay dhammaanteen waxaan xoogga saaraynaa la tacaalida bukaannada soo galaya,” ayuu mid ka mid ah dhakhaatiirt u sheegay warbaahinta.

La wareegidda kooxda ee magaalada Kunduz ayaa imaanaysa kadib markii kooxdu ay qabsatay gobollada Nimroz iyo Jowzjan labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Kunduz ayaa horay kooxda u qabsatay 2015 iyo 2016 balse dib ayaa looga saaray.

Sabtidii, Taalibaan waxay qabsadeen waxa ay dagaal la’aan kula wareegeen magaalada Sheberghan oo ku taalla gobolka Nimruz, sida uu sheegay guddoomiye ku -xigeenka magaalada“In kasta oo xaalku daggan yahay, haddana waxay u eg tahay magaalo milateri,” ayuu yiri qofka deegaanka ah, isaga oo tixraacaya joogitaanka ciidamada Taliban ee qaybaha muhiimka ah ee magaalada iyo Ciidamada Amniga Qaranka Afghanistan oo howlgallo ka wada magaalada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post