2229 Views

Kulan Muhiim ah Oo Muqdisho Ka Dhacay

Kulan Muhiim ah Oo Muqdisho Ka Dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2018 –asaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay Ururada Ardayda Qaranka Soomaaliyeed, kulanka intii uu socday ayaa looga hadlay doorka ardayda ee Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa kulanka ku soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha oo ka kala socday ku dhawaad 50 Jaamacadood oo dalka ka jira, waxa uuna Agaasimaha Guud sharaxay sida ay Wasaaradda u dooneyso in ardayda ay kaalin wayn ka qaataan Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Sidoo kale, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa ardayda u sheegay in Wasaaradda ay talooyinka dhalinyarada tixgelin doonto.

“Waxbarashada waa sida ugu wanaagsan ee dal lagu hormarin karo, waa lagama maarmaan in dadka ardayda ah ee in ay waxbartaan go’aansaday ay ka qaybgalaan Geedi-socdoka Dib-u-eegista Dastuurka; Wasaaradda waxa ay aad u tixgelin doontaa talooyinka aad soo jeedisaan” ayuu yiri Mudane Xuseen Cilmi.

Ugu dambayn, ardayda kulanka ka soo qaybgashay ayaa soo jeediyeen talooyin badan oo ay kamid ahayd in Dastuurka lagu barto Jamaacadaha iyo goobaha kale ee waxbarashada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment