702 Views

Kal-fadhigga 2aad ee Golaha Wakiilada Jubbaland oo Maanta la soo xiray

Kal-fadhigga 2aad ee Golaha Wakiilada Jubbaland oo Maanta la soo xiray
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-09-2020-Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Hoose soo xiray Kalfadhigga labaad ee Golaha Wakiilada dawlad Goboleedka Jubbaland.

Kulanka lagu soo xirayay kala-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ku sugnaa inta badan Xildhibaannada Jubbaland, kuwaas oo khudbado kala duwan halkaasi ka jeediyay.

Kal fadhiga 3aad ee baarlamaanka Jubbaland ayaa dib loo furi doonaa 9ka bisha Oktoobar ee dabayaaqada sannadkaan.

Guddoomiyaha Guddiga Hab-dhowrka Golaha Wakiilada Jubbaland Xildhibaan Shukri Wayrax Kaariye oo munaasabadda xiritaanka kal-fadhiga 2aad ee Baarlaamanka Jubbaland ka hadashay ayaa sheegtay in Shaqooyinka soo baxa muddada ay fasaxa ku maqan yihiin Xildhibaanada ay ka shaqayn doonaan Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo hadal ka jeediyey xiritaanka kalfadhiga baarlamaanka ayaa Xildhibaanada ka maqnaa fadhiyadii ugu dambeeyey ee golaha ugu baaqay in ay ka soo qayb galaan kal fadhiga 3aad oo furmi doona bisha Oktoobar.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post