1659 Views

AMISOM Oo Ciiddanka Somalia Ku Wareejinaysa Kulliyadii Hore Ee Jaalle SIYAAD.

AMISOM Oo Ciiddanka Somalia Ku Wareejinaysa Kulliyadii Hore Ee Jaalle SIYAAD.
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 21, 2019–Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Hawlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay inay dabayaaqadda bishan Feberaayo.Ciiddanka DFS  ku wareejin doonaan Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad ee magaalladda Muqdisho.

Xaruntii hore ee Kulliyadda Jaalle Siyaad waxaa horey ugu sugnaa Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo halkaasi degganaa taan iyo sannadkii 2011-kii

Ergayga Khaaska ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia,

Ambassador Francisco Madeira  ayaa ku dhawaaqay Go’aankaasi, kadib, markii ay isaga iyo Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federalka Somalia, Maxamed Cali Xaggaa kormeer hubin ah ku tegaeen Xaruntii hore ee Kulliyadda Jaalle Siyaad oo ku taalla Degmadda Hodan ee magaalladdan Muqdisho.

Ambassador Francisco Madeira  waxa kale oo uu sheegay inay dayactireen Kulliyadda Jaalle Siyaad, isla markaana ay Ciiddanka Somalia ku wareejin doonaan qalab ay  Ciiddanka Burundi halkaasi ugu tegi doonaan, lana dayactiray Ceel-biyoodka ku yaalla Kulliyaddaasi

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment