1635 Views

Jubbaland Oo Ka Jawaabtay Cabasho Kasoo Yeertay Gaadiidleyda Kismaayo

Jubbaland Oo Ka Jawaabtay Cabasho Kasoo Yeertay Gaadiidleyda Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 28, 2018 –Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka taagneyd cabasho ka timid Gaadiidleyda kadib markii qiimaha shidaalka oo sare u kacay,taa soo keentay in Gaadiidleyda qaarkood ay banaanbax dhigaan.

Gaadiidaleyda qaarkooda ayaa ka codsaday Dowlad Goboleedka Juballand inay wax qabtaan arrintaas laxiriirta qiimaha Shidaalka.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Jubbaland Cabdi Nuur Cali Aadan oo ka jawaabayay cabashada Gaadiidleyda ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaarisay guddi arrintaasi dabagal ku sameeya,isla markaana lago ogaanayo waxa sababay qiima kororka ku yimid Shidaalka ee Magalada Kismaayo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment