5214 Views

Madaxda Xafiiska Xeer Ilaalinta Soomaaliya oo isku haysta Musuq-maasuq laga sheegay.

____________________________________________________________________________

axmed-Cali-daahir

Muqdisho, 17 January 2016: Dr Muqtaar Nuur Abuukar oo ah ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya, ayaa beeniyey war kasoo yeeray xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya oo ahaa in musuq-maasuq iyo wax isdaba marin ay kajirto xafiiska xeer ilaalinta guud ee Soomaaliyeed.

Dr Muqtaar Nuur Abuukar, xeer ilaaliye ku-xigeenka dowladda Soomaaliya aaa sheegay inaysan jirin wax musuq-maasuq iyo Isdaba marin ah oo kadhexjira xafiiska xeer ilaalinta guud ee Soomaaliya, ayna ku howlan yihiin sidii ay musuq-maasuqa u dabar goyn lahaayeen.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu intaas ku daray in mudo dheer uu  shaqeynayey Xeer-ilaaliyuhu loona baahna in uu wax qabto hadii ay jirto wax isdaba marin, balse uu arrinta ku daboolayo eedeymo kale oo asiga loo heysto sida uu hadalka u dhigay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment