891 Views

RW oo dalbaday in dib loo dhigo kursiga uu u tartamayo Fahad Yaasiin

RW oo dalbaday in dib loo dhigo kursiga uu u tartamayo Fahad Yaasiin
____________________________________________________________________________

Warar ay BBC Soomaali heshay ayaa sheegaya in ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku cadaadinayo guddiga hirgelinta doorashada ee heer Federaal inuu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP 86, kaasoo uu doonayo Fahad Yaasiin oo la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Xubno ka tirsan guddiga oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo ayaa BBC Soomaali u sheegay in ra’iisal wasaaraha uusan sheegin sababta uu u rabo in dib loo dhigo doorashada kursigaas oo uu hadda ku fadhiyo Faarax Sheekh Cabduqaadir oo mar ahaa wasiirka cadaallada ee Soomaaliya.

Lama ogga go’aanka uu guddiga ka qaatay dalabka ra’iisal wasaaraha iyo in la joojin doono qabashada doorashada HOP 86.

Xildhibaan Faarax ayaa hadda hawlo caafimaad ugu maqan dalka dibeddiisa.

Xiriirka ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Fahad Yaasiin ayaa xumaa tan iyo markii bishii September 2021 uu ka qaaday xilka taliyaha hay’adda awoodda badan ee NISA.

Inkastoo uusan si shaac baxsan u sheegin, haddana Fahad ayaa la rumaysan yahay inuu rabo kursiga HOP 86 ee deegaan doorashadiisu tahay Beledweyne.

Fahad ayaa la rumaysan yahay inuu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo maamulka ka jira Beledweyne iyo madaxweynaha Hirshabelle, Cali Guudlaawe Xuseen.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli weli uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo ra’iisal wasaare Rooble.

Xigasho BBC SOMALI.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post