1116 Views

Wasiir Beyle oo farriin u diray Ganacsatada Soomaaliyeed ee Hantida u taal dalka dibaddiisa

Wasiir Beyle oo farriin u diray Ganacsatada Soomaaliyeed ee Hantida u taal dalka dibaddiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 21, 2019–Wasiirka Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa fariin u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee hantida u taalo dalalka Caalamka, wuxuuna ka dalbaday iney sugtaan amniga hantidooda.

 

Mr. Beyle ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool looga baahan yahay inay dhegta u taagnaato, wuxuuna tilmaamay in goobta kaliya ee hantidooda ku amaan galeyso ay tahay gudaha dalka, wuxuuna taa bedelkeed u sheegay inay dalka dib ugu soo laabtaan.

 

“Ha is dhiganin, dhegtaada iyo Ishaada iney taagnaato ayaan kugula talinayaa, waxaan kugula talinayaa inaad amniga maalkaada ilaaliso, meesha ugu amaansan ee aad amaan ka heleyso waa dalkeena oo aan wada dhisano, soo noqo, dalkan ku soo noqo, amnigiisa aan wada dhisno, maalkaada keen oo maskaxdaada keen oo muruqaada keen” ayuu yiri Wasiir Beyle oo farriintiisa u muuqatay mid ku socotay Ganacsatada Soomaaliyeed ee Hantida ku leh dalka Kenya.

 

Hadalka Wasiirka Maaliyada Soomaaliya, ayaa ku soo aaday iyadoo saacadihii danbe ay soo shaac baxday khilaaf cusub oo soo kala dhex galay dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo Xukuumada Nairobi ay shalay u diaday iney garoonkeeda Joma Kenyatta ka baxaan wafdi ka socday dowladda Soomaaliya, kuwaasoo shir uga qeyb gali lahaa magaalada Nairobi, balse dib Muqdisho loogu soo celiyay.

 

Ganacsiyada ugu waaweyn ee dalka Kenya waxaa iska leh muwaadiniin Soomaali ah, iyadoo Dekeda Mombasa alaabaha ugu badan ay kala soo degaan Soomaalida, kuwaasoo u sii dhoofiya wadamada Uganda, Tanzania iyo Koofurta Suudaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment