669 Views

Biden oo sheegay xukumaddiisa iney dadaal ugu jirto sidi ay uga dhabeyn lahayd ka bixitaanka Afghanistaan 31-ka August

Biden oo  sheegay xukumaddiisa iney dadaal ugu jirto sidi ay uga dhabeyn lahayd ka bixitaanka Afghanistaan  31-ka August
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 25, 202

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay xukumaddiisa iney dadaal ugu jirto sidi ay uga dhabeyn lahayd qorshihi ahaa 31-ka August iney ciidamadiisa iyo muwaaddiniintiisa uu Afghanistaan kala baxo, iyada oo ay horay ay dhinacya badan badan muddo kordhin uga soo yeertay.

Mareykanka iyo Ururka Taalibaan heshiiskii ay 2020 magaalada Doha ee dalka Qadar ku gaareen ayaa dhigayey Mareykanaka inuu gabi ahaanba uu ciidamadiisa kala baxayo dalka Afganistaan ilaa iyo 31-ka Sptember 2021-ka oo ay haatan ka harsan tahay 6 maalmood oo keli ah.

Madaxweyne Biden ayaa carraba ku adkeeyay inay muhiim tahay in 31-ka ka dib aanay ciidamadiisa sii joogin isagoo ku sababeeyay inay sii kordheyso khatarta weeradada ay kooxaha islaamiyiinta ah ku soo qaadi karaan gegida diyaaradaha ee Kaabul gaar ahaan kooxda IS.

Waxa uu sheegay in sii joogitaanka wixii ka dambeeya xilligii loo asteeyay ay u baahnaan doonto iskaashi joogto ah oo lala sameeyo mas’uuliyiinta cusub ee Afghanistan ee Taliban.

Khudbad uu telefishinka ka jeediyay isagoo ku sugan Aqalka Cad, ayuu Madaxweyne Biden sheegay in hoggaamiyeyaasha waddamada G-Seven ay isku raaceen in arrinta laga eego dhanka ururrada Islaamiyiinta ah ee haatan ku hawlan sidii ay sameyn lahaayeen ficilo lagu ilaalinayo waajibaadkooda caalamiga ah..

Inkastoo ay Taalibaan gaashaanka u darurtay in la kordhiyo muddaasi waxayna wacad ku mareen in cawaaqibta ka dhalata ay mas’uuliydeeda qaadayo Mareykanka.

Dhanka kale Raiisel wasaaraha UK Boris Johnson, oo shirka guddoomiyay ayaa sheegay in Britain ay sii wadi doonto daadgureynta dadka “ilaa daqiiqada ugu dambeysa”.

Wuxuu sidoo kale ku booriyay Taaliban inay dadka reer Afgaanistaan ​​ u oggolaadaan inay dalka ka baxaan marka la gaaro waqtiga loo qabtay ka dib.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post