1755 Views

Dowladda oo ka hadashay dabkii ka kacay Garoonka Aadan Cadde

Dowladda oo ka hadashay dabkii ka kacay Garoonka Aadan Cadde
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 12, 2018 —Wasiirka Wasaaradda duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa faahfaahin ka bixiyay dab saakay ka kacay Maqaayad ku taalla Gudaha Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wasiirka waxaa uu sheegay in maqaayadda qeyb ka mid ah ay gubatay,islamarkaana lagu guuleystay in dabkaasi la damiyo.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin cid wax ka noqotay Marka laga reebo qeybo ka mid ah Maqaayadda oo dabku baa’biyay.

“Maanta subaxii sacaduna aheyd 05:30 ayaa koronto sababtay qaac inuu galo gudaha dhismaha garoonka muqdisho. Haba yaraatee wax gaaray garoonka, qalabka iyo naf ma jiraan marka laga reebo jiko yar oo ay korantada wax gaarsiisay” ayuu yiri Wasiir Omaar.

Omaar ayaa tilmaamay in shaqaddii Garoonka ay socoto,islamarkaana aysan wax saameyn ah ku yeelan Shaqaddii duulimaadyadda ee Garoonka Aadan Cadde.

“Garoonka waxuu u shaqaynayaa si caadi ah Duulimaadyaduna si habsami leh ayey u socdaan” ayuu yiri Mar kale Wasiir Omaar.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment