1161 Views

Dagaallo ka dhacay Yeman oo lagu dilay 60 ka mid ah Xuutiyiinta

Dagaallo ka dhacay Yeman oo lagu dilay  60  ka mid ah  Xuutiyiinta
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 8, 2021

 Dagaallo ayaa ka soo cusboonaaday  maanta oo Arbaco ah, qeybao kamid ah Marib, ee waqooyiga dalkaasi Yeman, kaasi oo u dhexeeya ciidamada Yeman iyo maleeshiyada Xuutiyiinta.

Sida ay sheegayaan Ilo wareedyo soo xiganaya milateri Yaman, dagaaladan ayaa  24-kii saac ee la soo dhaafay si xariir ah ugu socday waqooyiga Yeman, kuwaa oo duqeymo cirka ah oo lala beegsaday Xuutiyiinta looga dilay 60 ka mid ah maleeshiyaadkood.

Dagaaladan ayaa yimid  ka dib markii maleeshiyadka Xuutiyiinta labadii maalmood ee la soo dhaafay ay hareereyeen Marib.

Maleeshiyaadkan ayaa bilahii la soo dhaafay  waday weerarro is daba jog ah  oo ay ku soo qaadayeen gobolkan saliid hodan ku ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post