720 Views

Ciidamada Ruushka oo duqeymo culus ka wada jiidda hore ee dagaalka Bariga Ukraine

Ciidamada Ruushka oo duqeymo culus ka wada jiidda hore ee dagaalka Bariga Ukraine
____________________________________________________________________________

Sabti: May 7, 2022

 Ciidamada Ruushka ayaa sii wada duqeymaha culus ee ay ka wadaan jiidda hore ee dagaalka ee bariga Ukraine.

Magaalada Mariupol, dad badan oo rayid ah ayaa laga daadgureeyay jimcihii goobta lagu magacaabo Azovstal ee go’doonka ku jiray.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu so badbaadinayo dadka rayidka iyo askarta wali halkaasi ku harsan.

Dhanka kale, madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in heshiis kasta oo uu la geli doono Ruushka uu saldhig u ahaan doono in ciidamada dalkiisa ku soo duulay ay marka hore ka baxaan.

Hadalkan ayuu sheegay xilli ciidamada Ruushka ay dagaal xooggan ka wadaan bariga iyo koonfurta Ukraine, isla markaana ay xaalad adag ka taagan tahay warshadda birta ee magaalada Mariupol.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post