1638 Views

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo la kulmaya Soomaali badan

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo la kulmaya Soomaali badan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Ogoosto 23, 2018:Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa qorsheynaya inuu la kulmo 1,000 qof oo ah Soomaalida ku nool dalka Itoobiya.

Dadka uu la kulmayo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa intooda badan waxa ay ku sugan yihiin Addis Ababa, waxaana laga soo uruuriyey deegaannada Soomaalidu degto ee Itoobiya.

Lama shaacin waxyaabaha uu kala hadlayo Abiy Axmed Soomaalida, balse waxaa la fahansan yahay inay la xiriirto xaalada iyo isbeddellada ka socda Dowlad deegaanka Soomaaliada Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa maalmo kahor ku hanjabay inuu gacan bir ah ku qaban doono xaaladaha amni darro ee ka taagan qaybo ka mid ah dalkaasi, kadib markii hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka u soo jeediyeen inuu wax ka qabto qul-qulatooyinka jira.

Guddiga fulinta ee shacabka Dimuqraadiyadda Dowlad deegaanka Somalida ayaa shalay Madaxweyne KMG ahna Madaxweyne Ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar).

Sida muuqata waxaa yaraaday xasaradihii ka dhex aloosnaa Soomaalida Itoobiya iyo Oromada, waxaana imminka billowday in Kumanaan qof oo ka soo cararay rabshadaha kuna sugnaa Waqooyiga Soomaaliya iyo Jabuuti ay dib ugu laabtaan degaannadoodii hore.

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment