2196 Views

Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan ka dhacaya Garowe iyo Ra’iisul Wasaaraha oo saaka ku wajahan

Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan ka dhacaya Garowe iyo Ra’iisul Wasaaraha oo saaka ku wajahan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Luuliyo 29, 2018 — Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu wadaa in markii u horeysay todobaadkan uu ka dhaco magaalada Garowe ee xarunta Puntland, iyadoo saaka wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu ku wajahan yahay.

Sida wararku sheegayaan wafdi horu dhac u ah Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay gaaray magaalada Garowe, kuwaasoo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano.

Diyaar garow ku aadan soo dhoweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka socota magaalada Garowe, waxaana faras-magaalaha la suray sawirka Ra’iisul Wasaaraha.

Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa waxaa ku qulqulaya Mas’uuliyiinta Puntland iyo dadweyne fara badan, si ay uga qeyb qaataan soo dhoweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadkan ka dhacaya magaalada Garowe ayaa looga hadlaya xaalada dalka, sanadkii hore ayay aheyd markii shirkii Golaha Wasiirada lagu qabtay magaalada Kismaayo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment