2055 Views

Booliska Kenya oo qabtay Dad iyo Gaari Hub uu saarnaa

Booliska Kenya oo qabtay Dad iyo Gaari Hub uu saarnaa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 15, 2018 – Booliska Dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Gaari Land cruiser ah iyo saddex Qof oo lagu eedeeyay in ay wadeen Hub fara badan.

Boolisku waxaa ay sheegeen in dadkaas ay ka qabteen Waddada isku xirta Lodwar  iyo Kakuma,waxaana la soo bandhigay Hub iyo Rasaas fara badan oo ay wateen.

Dadka la qabtay waxaa ay kala yihiin 2 Rag iyo Haweeney,walina Booliskua ma faah faahin waxa laga yeelayo dadkaas iyaga oo hadda ku jira Xabsi.

Saraakiisha Gobolka Turkana,ayaa sheegaya in falalka amni darrada la xiriira ay ku bateen Gobolka islamarkaana ay waayadaan la kulmayeen dhacdooyin liddi ku ah amniga.

Booliska Kenya ma sheegin dadkan in ay xiriir la leeyihiin AL-shabaab ama Daacish,waxaana ay sheegeen kaliya in baaritaan lagu sameynayo.

Saraakiisha amaanka qaar ayaa sheegaya in Hubka Gaariga saaran uu yahay 6 Qori oo AK47 ah,Rasaas iyo agab kale,kuwaas oo aanilaa hadda la sheegin halka loo waday.

Madaxda Boolisku qaarkood waxaa ay sheegeen in ay tuhmayaan in Hubkan loo waday Waddamada Itoobiya,Suudaanta Koofureed ama Uganda si jabhadaha ka dagaallama loogu gacan geliyo.

 poliska-kenya 2 poliska-kenya 3

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment