1815 Views

Ninkii Kenyanka ee lagu eedeeyey inuu Al-Shabaab u fudueyn jirey warqadaha aqoonsiga ee dalkaas oo la soo qabtay

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 22, 2018 – Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Eedeysanahaasi xalay ku qabteen Tuulladda  Kayoole oo u dhow magaalladda Nairobi.

Wargeyska The Star ayaa saakayto qoray in Eedeysanahaasi lagu wareejiyey Boliska La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda, si ay u sameeyaan baaritaano dheeraad ah.

Qabashadda Ninkaasi ayaa timid labo maalin kadib, markii ay Boliska Kenya sheegeen inay madaxiisa dul dhigeen Abaalmarin Lacageed oo dhan Hal million oo Shillinka Kenya

Dhinaca kale, Boluiska Kenya waxay sheegen inay ku raad joogaan Nin ay ku tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Xarakadda Alshabaab, waxayna magaciisa ku sheegeen Anthony Munyasya oo lagu naanayso Abdalla, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Labo isbuuc ka hor, Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay inuu Ninkaasi xubin ka ahaa Alshabaab tan iyo sannadkii 2014-kii, isla markaana uu dhawaan dib ugu laabtay Kenya.

Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi waxay horey uga digeen Weeraro ay Xarakadda Alshabaab ka geystaan gudaha Kenya tan iyo inta lagu guda-jiro bishan Barakaysan ee Ramadaan, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay horey wacad ugu mareen inay sii wadi doonaan Hawlgalladda ay ka fuliyaan gudaha dalkaasi iyo La-dagaalanka Askarta Kenyaanka ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, ilaa Askartaasi laga saarayo gudaha Somalia.

Ciiddankaasi Kenyananka waxay gudaha Somalia ku sugan yihiin tan iyo bishii October 15-dii ee sannadkii 2011-kii.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment