393 Views

Cumar Cabdirashiid oo ka hadley muddo kororsiga Baarlamaanka Jubaland kana soo hor jeestay

Cumar Cabdirashiid oo ka hadley muddo kororsiga Baarlamaanka Jubaland kana soo hor jeestay
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 22, 2022

Raysalwasaarihihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa ka hadley waxa ka soo yeeray Kismaayo ee Baarlmaanka Jubaland sheegeen in muddo kororsi muddo sanad ah ay sameeyeen.

Wixii ilmaha uroon ayaa umushana uroon, haddii dowladda federaalku ay soo dhaweyneyso muddo kororsiga Jubaland, waa in ay soo dhaweyso dowlad goboleedyada kale muddo kororsigooda, sharciga laguma adkey karo qaar iyada oo qaar kale loo ogolaado in ay u adeegsadaan sharcidarro dano gaar ah.

CUMAR CABDIRASHIID

Cumar Cabdirashiid oo laba jeer ka soo noqdey Soomaaliya raysalwasaare ayaa hadalkiisu u muuqdaa mid uu fariin ugu diraayo dowladdu in ay aragti ka leedahay waxa ka dhacaya Kismaayo iyo muddo kororsiga baarlamaanka Jubaland sameeyeen, haddii kale ay dalka u keeneyso khalkahl siyaasadeed.

Jubaland oo la aasaasey sanadkii 2011, waxaa ilaa hadda ka taliya Axmed Maxamed Islaan, doorashadii u horreysey ayaa ahayd kumeel gaar, kadib waxaa xilka loo doortey laba jeer oo kale, taas oo hadda gabaabsi ka ah.

Axmed Madoobe ayaan tan iyo bishii Luulyo 21, lagu arag fagaare, waxaana wararku sheegayaan in dhaawac ka soo gaarey dhabarka, kadib markii uu musqul ku siibtey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post