381 Views

Wasiirka Qorshyenta Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Furay Shirka Wadatashiga Qaranka.

Wasiirka Qorshyenta Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Furay Shirka Wadatashiga Qaranka.
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 13, 2022

Wasiirka Qorshenynta Qaranka Oo magaalada Muqdisho ka furay shirka Madasha wadatshiga Golaha Horumainta Qaranka (National Development Council). iyada oo ay ku mideeysan yahiin madashaan Wasaaradaha Qorsheynta labadeeda heer Dowladda dhexe iyo heer dowladd gobaleed.

Wadatashigan waxaa ka qeyb galaya w
Wasiiradda Qorsheynta ee kala ah: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-beena, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdirashiid Jire, Wasiirka Galmudug Mudane Axmed Ali Maxamed, Wasiirka Qorsheynta Koonfur galbeed Dr Cali Cabd, Wasiir qorsheynta Hirshabeelle Saaqad Salaad Warsame, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Jubbland Mudane Faarax Muqtaar Daa”uud iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Asad Yusuf Qanyare, Agaasimyaasha guud ee Dowlad gobaleedyada, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowlad Goboleedyada, la Laliye-yaal sare.

Madashan waxa ay socon doonta muddo labo cisho ah (13-14 September, 2022), iyada oo lagu lafo-guri doono hannaanka wada shayeynta, iskaashiga iyo muhimada ay leedahay U-gurmadka bulshada ay saameyn abaaraha baahsan, Sidoo kale waxaa lagu kala dhageysan doonaa warbixinno la xiriiri kobcinta dhaqaalaha, xakameynta iyo ka hortaga saameynta masiibooyinka, iyo habsami u fulinta Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda qorsheynta mudane Asad Yusuf Qanyare, ayaa sharaxay madasha horumarinta Qaran ahmiyadda ay leedahay iyo marxaladaha ay soo martay “ shirka waxa uu muhiim u yahay howlaha baaxada leh dalka ay ka mid tahay horumarinta dhinacyada kala duwan, madasha waxey u tagaan tahay hirgalinta qorshaha horumarinta qaranka dajinta siyaasadaha, istaraajiyadaha iyo qorshaha horuamrinnta qaranka soomaaliyeed sidii loo dar-dargalin lahaa “ Ayuu yari Mudane Asad Yusuf.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa sheegay waxyaabaha looga baahan yahay wasaaradaha iyo abaaraha ka jira dalkeena in si dhab ah loo uwajahao, si bulshadeena uga samatabixino marxaladan adag.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudame Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-beena oo si rasmu ah u furay shirka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada kullankan iyo xaaldaha abaarata ka jirta dalkeenna.
“ Xaalada Dalku Maraayo Dalkeena waxaa uu wajahayaa xaalado adag oo ay kamid yihiin abaaro iyo xaalado amni oo u baahan in aynu ka wada shaqeyno xal u helidda kasoo kabashada abaaraha kusoo noq-noqonaya dalka, Ugu dambeyntii, Waxaan markale u mahad-naqayaa dhamaan wasiirada iyoagaasimiyaasha ka imaadey dowlad-goboleedyada dalka si ay u suura gasho qabsoomidda kulanka Golaha Horumarinta Qaranka oo muhiimad gaar ah u leh dalkeena” Ayuu yari Wasiir Maxamuud

Qaar ka mid ah Wasiiru Dowlad gobaleedyada,ayaa dhankooda ka warbixyay xaalada deeganadooda ay ku sugan tahay.

Madashan waxaa la filaya in la’isku weydaarsado fikrado muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo guud ahaan adkeynta hannaanka wadashqeynta labada heer ee dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay kasoo bixi doonaan talooyin wax-ku-ool ah u ah oo fulintooda qeyb mug leh ka qaadan doono hoos u dhigista saboolnimada, joogteynta sidii abaaraha xal waara looga gaaro, iyo sidoo kale sare u qaadista heerka nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post