1212 Views

Koonfur Galbeed oo mamnuucday Shirarka ka dhanka ah DFS

Koonfur Galbeed oo mamnuucday Shirarka ka dhanka ah DFS
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 27-2019 —Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya ayaa bilaabay qorsho ka dhan ah ama ka hortegida shirarka Siyaasadeed ee mararka qaar lagu qabto deegaannada Maamulkaas,kuwaas oo ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa sheegay in maamulka uusan marnaba ogolaan doonin in guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed lagu qabto shirarka siyaasadeed ee ka dhanka ah Dowladda Federaalka.

 

Waxaa uu ku wargeliyay dhamaan Maamulada degmooyinka uu gacanta ku haayo Maamulka Koonfur Galneed & Saraakiisha Ciidamada inay fuliyaan amarkaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaah gudaha,isla markaana aanb la ogolaan shirarka ka dhanka ah Dowladda Federaalka.

 

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu kamid yahay maamulada ka jira dalka ee siweyn ula dhacsan siyaasada ee dalka ku maamulaan Madaxda Dowladda Federaalka marka loo eego Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo dhaliilsan Madaxda Dowladda Federaalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment