5616 Views

Garsoorka Waa Furaha Nabada iyo Nolosha Wanaagsan.

Garsoorka  Waa Furaha Nabada iyo Nolosha Wanaagsan.
____________________________________________________________________________

May 7, 2017

 

Garsoorka  Waa Furaha Nabada iyo Nolosha Wanaagsan.

 

Horaa loo yiri  “umadaan Garsoor lahayn, waa geed aan Hoos lahayn”

 

Sida lawada ogyahay, Umadi waxay ku dhisantaa, ku dhaqantaa, kuna dhowrsanatahay  waa Garsoorka, hadii uu san jirin Garsoor kala ilaaliya Xaqa iyo Xaqdarada, waxaa sahal ku dhuma jiritaanka umadeed iyo nolosha Aasaasiga ah ee umadi leedahay.

Somaaliya waxay lahayd dhamaan Tiirarka aasaasiga ah ee Gorsoor leeyahay, inkastoo waqtiyo  dhexe si qaldan loo isticmaalay, hadana waxaan ka horeenay wadamo  badan oo manta isu haysta in ay naga horeeyaan, taasina waxaa sababay Dagaaladii Ahliga ahaa ee ay Hogaaminayeen  Shaqsiyaad aan Fahamsanayn dhimaabatada ay leeyihiin Dagaalada sokeeye.

Laga soo bilaabo 2000-kun ilaa waqtigan 2017, Dalka wuxuu ka horu mari la’yahay dhibaatooyinka ka jira dhinaca Garsoorka, waana caqabada ugu wayn ee Hortaagan soo celinta Nabada iyo kala Dambeynta, waana sababta ilaa iyo waqtigan looga bixi la’yahay  Fowdada iyo Cadaalad darada ka jirta Dalka.

Garsoor la’aanta ka jirta dalka, waxay dib u dhac ba’an ku riday noloshii aasaasiga ahayd ee Shacabka iyo Horumarka dalka,  waana qodob muhiim ah oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, si loo helo Nabad iyo kala dambeyn  Waarta.

Hadaba, waxaa mudan in la iswaydiiyo, sidee lagu soo celin karaa Tiirarka Asaasiga ah Garsoorka? Sideese lagu gaarsiin karaa ilaa heerka ugu sareeyo?, aqristow  ila firi Talooyinkan.

  • Waa in loo diyaariyo Dhaqaalihii iyo Xafiisyadii lagu shaqayn lahaa.
  • Waa in uu Xeer ilaaliyaha Guud Soo saaraa, Shaciyo Ciqaabeed, lagu qaadi karo, Garsoorihii lagu Helo Musuq Maasuq ama Qaadasho Laaluush, iyadoo laga ansixinayo labada Gole.
  • Waa in la helo awood Ciidan oo lagu fuliyo, Horumarinta Garsoorka.
  • Waa in la helo dad aqoon u leh fulinta Garsoorka iyo kal kaliya yaashoda.
  • Waa in laga soo bilaabo fulinta Garsoorka Degmooyinka, ama Xarumaha hoose.
  • Waa in loo sameeyaa wacyi Gelin dad waynaha, si loo fahamsiiyo Raadsiga Xuquuqdooda.
  • Waa in uu mutaysan karaa Xukun Adag oo CIQAAB ah, Garsoorihii fuliya Xukun Cadaalad daro ah, isagoo Qaatay Laaluush.
  • Waa in marka hore lasiiyo Siminaaro isdaba jog ah, Howl wadeenada Garsoorka.
  • Waa in la helo Abuukata yaal u dooda dadka dhibanaha ah, iyadoo la fiirinayo Duruufta Shacabka.
  • Waxa ugu badan ee manta dhibka kajiro waa dhulalka, hadaba waa si deg deg ah in loo helaa Rajistarkii Hore ee dhulka, waayo sida aan maqlay ilaa iyo hada DIIWAANKA wuxuu ku jiraa Gacan Shacab oo Amaan ah.

 

War iyo Dhamaan, waxaan Fariin Culus u dirayaa Xeer ilaaliaya Guud, Dowlada iyo labada Gole in si deg deg ah wax looga qabto, dhibaatooyinka  ka jira Dhinaca Garsoorka, iyadoo la adeegsanayo kalsoonida Shacabku  idin siiyeen, si Shacabku u gaado in uu jiro dadaalo wax looga qabanayo Cabashooyinkooda, loona  kasbado kalsoonida Shacabka, waayo asalka ama aasaaaska dowladnimo waa kalsoonida Shacabka.

Ugu dambayn, somaalidu waxay tiraahdaa “Waari mayside, war hakaa haro”, Dowlada iyo labada Gole, waxaan leeyahay,  waxaad  ogaataan in laydin kula xisaabtami doono, wixii  Wanaag iyo Xumaan  ah ee aad samaysaan inta ka dhiman waqtigiina, midna ogaada Taariikhdu waa DHAXAL aan duugoobin ee yaan la dayicin Danta Dadka iyo Dalka.

Baaqeenu waa   “Daryeelow dadaal, dumiyo Nadaa”

W/Q  Cumar  Farax

Qaranimo-online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment