1002 Views

Madaxweyne Deni”Waxaa fashilmey in xal laga gaaro khilaafka dowladda & Puntland”

Madaxweyne Deni”Waxaa fashilmey in xal laga gaaro khilaafka dowladda & Puntland”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axad   , March 15, 2020 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyey shirka wadatashiga ee Maanta ka furmay Garoowe ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin khilaafka dowladda Federaalka & Maamulka Puntland oo aan weli xal laga gaarin.

 

Madaxweyne Siciid Deni ayaa waxaa uu sheegay in Puntland ay xooga saartey in xal laga gaaro khilaafkaas iyo in xa loo helo caqabadaha goonida u ah Puntland,hayeeshee qorshahaas uu fashilmey ayna mas’uul ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

“Waxaan xooga saarnay in xal laga gaaro khilaafaadka u dhaxeeya DF & Puntland ,waxaana ka hadalnay arrimaha caqabadaha nagu ah,balse wax walba waxaa ay ka socon waayeen Madaxda dowladda Federaalka oo hareer maray qorshihii lagu dhisey dowladda iskuna dayay inay awooda dhan qaataan ayuu yiri”Siciid Deni.

 

Sidoo kale isaga oo kasii hadalayay xiriirka sii xumaanaya ee weli u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka & Maamulka Puntland ayuu sheegay in Puntland ay dib u eegeyso xiriirka ay la leedahay Dowladda Federaalka,isla markaana aysan ogolaaneyn in dolwaddu ka leexato Mabaadii’dii lagu asaasay dawladda Faderaalka markhaatina ay ka noqdaan wxyaabaha dhacaya.

 

Tan iyo markii uu bilaawdey khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka & Maamulka puntland ayaa Madaxweynaha Maamulkaas,waxaa uu eedeyn u jeedinayay Madaxda Dowladda Federaalka,hayeeshee aysan jirin Madax sirasmi ah ugu jawaabtey.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment