330 Views

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Ugu Magac-daray Xarunta Ciidanka Haramcad Alla U Naxariistee Generaal Faxraan

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Ugu Magac-daray Xarunta Ciidanka Haramcad Alla U Naxariistee Generaal Faxraan
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 1, 2022

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxmed (Xijaar) oo ka hadlay aaska Generaal Faxraan Maxamuud Aadan (Qaroole) Ayaa yiri “ Waxow ahaa aniga Saxiibkay,Shaqsi si aad ah igu dhow ayow ahaa,Geesi ayow ahaa,Shumac soo ifaya ayow u ahaa dhallinyaradda a saagiisa ah.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxmed (Xijaar).

Sidoo kale; “ Waxaana marne niyadayda ka go’ayn  markii toban iyo todoba kun oo arday Soomaaliyeed ah oo uu soo dhammaaday Imtixaanka  shahaadiga ah, Sidow usugay amnigooda,iyo siday ugu faraxsanayeen maalintaa oo ay u xambarayeen” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxmed (Xijaar).

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxmed (Xijaar) Ayaa yiri “ Qofkasta oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyad darajo kasto iyo fadhi kasto oo u ka tisan yahay, Waa inow noqda Faxaan oo kale” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxmed (Xijaar).

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed “ Maanta laga bilaabo Xarunta Ciidanka Haramcad, Waxaan ugu magacdarnay Generaal Farxaan” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxmed (Xijaar).

“Sarkaalka Waxaa laga gartaa Ciidankiisa, Aad ayay u jeclaayeen Generaalka Ciidamada,Sidoo kale Waxow Qalbiyadooda ka bixi doonin Ummadda Soomaaliyeed oo uu u ahaa halyey Qaran”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post