864 Views

Itoobiya oo martigalinaysa Shir looga hadlaayo Qaxootiga kunool Bariga Afrika

Itoobiya oo martigalinaysa Shir looga hadlaayo Qaxootiga kunool Bariga Afrika
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 10 |  2020—Dalalka Bariga iyo Geeska Afrika waxay martigelinayaan qaxooti gaaraya 3.5M, waxaana dowlada Itoobiya ay martigalinaysaa Shir ku saabsan Sida qaxootigani si joogto ah loogu dari karo bulshooyinka maxalliga ah.

Shirkaan ayaa inta badan waxaa ka qeyb gali doona dalalka ku yaalla geeska Afrika waxaana uu Magaalada Aaddis ababa ka dhici doonnaa Oktoobar 31st – Nofeembar 1.

Shirkaan ayaa lagu waddaa in ay ka qeyb galaan wakiilo ka socda dowladaha Kenya, Uganda, Somalia, Ethiopia, Djibouti, Sudan, iyo South Sudan si xal buuxa looga gaaro qaxootiga dalalka Geeska Afrika ku dhibaateysan.

Waxaa sidoo kale taageeri doonnaa Shirkaan Hay’addaha Qaramada Midoobey iyo dowladaha Yurub.

Dalalka Geeska Afrika ayaa lagu dhaliilaa in aysan inta badan fulin heshiisyadda caalamiga ah ee ku saabsan ilaalinta Qaxootiga.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post