1446 Views

Wariye u xiran Maamulka Galmudug & walaac laga muujiyay

Wariye u xiran Maamulka Galmudug & walaac laga muujiyay
____________________________________________________________________________

Waxaa muddo ka badan 48 Saacadood degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ku xiran Wariye Cubeyd Xasan Maxamuud oo kamid ah Wariyeyaasha degmadaas ka howlgalla, kaas oo ay xireen Ciidamada Nabdsugida.
Wariyaha ayaa laamaha Amniga ee degmada Guriceel aysan weli faah fahin ka bixin sababta ay u xireen, iyada oo aan wax Maxkamad la soo taagin uu ku xiran degmadaasi Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Hayeehsee Wariye Ibraahim Xaashi Cosoble Jeekeey oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgalla degaannada Galmudug ayaa sheegay in wariyaha lagu xiray Xeri Ciidan, isla markaana sababaha loo xiray ay ku maqleen inay tahay War uu tebiyay ee ah in Odayaal ay shir uga baxeen degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post