2511 Views

Taliyihii Qeybta Booliska gobolka Nugaal oo diiday xil ka qaadistii lagu sameeyay

Taliyihii Qeybta Booliska gobolka Nugaal oo diiday xil ka qaadistii lagu sameeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  5, 2017 — Taliyihii qeybta booliska gobolka Nugaal gaashaanle sare, Cabdirashiid Maxamuud Aw-xuseen, ayaa kasoo horjeestay wareegto xilkii looga qaaday laguna magacaabay taliye cusub.

Gaashaanle sare, Cabdirashiid, oo  la hadlay warbaahinta, ayaa ku goodiyay inuusan taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland xilka ka qaadi karin, isagoo sheegay inay labo korneel oo siman ay yihiin.

Wuxuu sheegay inuusan dhaq jalaq usiindoonin go’aanka kasoo baxay islamarkaana uu shaqadiisa sii wadandoono, isagoo sheegay inay joogto cidii isaga xilkaan u magacowday kana qaadi karta.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa lagu badalay Gaashaanle Sare Faarax Warsame C/raxmaan oo loo Magacaabay Taliyaha Cusub ee Qeybta Booliska Gobolka Nugaal

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment