1062 Views

Dibadbax ka dhan ah Aby axmed oo ka dhacay y caasimadda Tigrey ee Mekelle

____________________________________________________________________________

Arbaco  10/2/2021

Wararka ka imanaya gobolka Tigrey ee Waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in hal qof halkaasi lagu dilay.

Qofkan ayaa ka mid ahaa dad dibadbax dhigayay oo isugu soo baxay caasimadda gobolka Tigrey ee, Mekelle.

Booliska ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaasha oo ka soo horjeeday dowladda islamarkana waxaa ay rasaasta haleeshay hal qof oo ku dhintay.

Dibadbaxa ayaa ku soo beegmay xilli hogaamiyayaasha gobolka Tigrey ay booqdeen magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigrey.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in ganacsiyo badan ay wali xiran yihiin.

Itoobiya ayaa qorsheyneysaa inay xirto labo xero oo qaxooti oo ku yaalla gobolka Tigray kuwaas oo dadkii ku noola ay ku go’doomeen dagaalka ka socday halkaas, sida ay sheegtay laanta dowladda u qaabilsan arrimaha qaxootiga.

Madaxa dowladda Itoobiya u qaabilsan arrimaha qaxootiga Tesfaye Gobezay oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in sababta loo xirayo xeryaha qaxootiga ay tahay in xaalad adag oo dhanka nolosha ay ka jirto xudduuda Itoobiya iyo Eritrea iyo in xeryaha ay ku yaallaan meel u dhaw xudduudda.

Ku dhawaad 100,000 qaxooti Eritrean ah ayaa ku noolaa ilaa xero oo ku yaalla Tigray ka hor inta uusan dagaalka ka qarxin halkaas bishiii Nofembar.

Xeryaha qaxootiga ee Shimbela iyo Hitsats kuwaas oo ay ku nool yihiin 20,000 oo qof qaxooti ah, waxaana adkeyd in ha’yadaha gargaarka ay gaaraan Tigray.

Xerada qaxootiga ee Shimbela waxay qiyaastii 20 kiiloomiitar u jirtaa xadka Eritrea, waana arrin xaadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee qaxootiga kaas oo dhigay in xero qaxooti laga sameyn karo uun ugu yaraan meel qiyaastii u jirta xudduudaha 50 kiiloomiitar, sida uu sheegay madaxa arrimaha qaxootiga u qaabilsan dowladda Itoobiya.

Wuxuu intaas ku daray in xerayahan loo rari doono goobo kale ama dadka qaxootiga ah lagu biiri doono dadka deegaanka.

Sida laga soo xigtay Tesfaye, waxaa horraan isku dayo la doonayay in lagu xiro xerada qaxootiga ee Hitsats balse qorshahaas ayaa fashilmay kaddib markii maamulkii hore ee Tigray uu diiday in xero xeradaas iyo sidoo kale cabsida ka dhalatay cudurka Koroona.

“Dagaallo xooggan ayaa ka socday agagaarka xeryahaa” dadka qaxootiga “waxay ku go’doomeen dagaalka” ayuu yiri Mr Tesfaye.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post