885 Views

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo markii ugu horreesay gaaray Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo markii ugu horreesay gaaray Bakool
____________________________________________________________________________

 Sabti: April 30, 2022

Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool waxaa maanta gaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, iyadoo halkaas ay kusoo dhaweeyeen Saraakiisha & ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Gobolkaas.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeya Guuto Odowaa Yuusuf Raage Ayaa Maanta Gaarey Magaalada Xudur Xaruunta Gobalka Bokool.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga waxaa uu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada xoogga iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odowaa ayaa sheegay in ujeedka uu halkaa u tagay ay tahay hubinta shaqada ciidanka xoogga ee ku sugan gobolka Bakool, isagoo Saraakiisha ciidanka ku amray inay bilaabaan howlgallo lagu xaqiijinaayo ammaanka islamarkaana Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.

Safarka uu ku tagay Magaalada Xudur Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen, Odowaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horreeyay uu halkaas ku tago tan iyo markii loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post