6840 Views

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay 15 August 2015

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay 15 August 2015
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 15 August 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

waxqabadka-august-15-4

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanaka oo kala saxiixday heshiis lagu habeynayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Heshiiska Maamul u sameynta Gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan oo la saxiixay, Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka oo su’aalo weydiiyey Madaxa AMISOM, Qansax Dheere oo adeegyada bulshada la gaarsiiyey, Baarlamaanka oo su’aalo weydiiyey Wasiirka Waxbarashada, Barnaamijka Heesaha Hirgalay oo Muqdisho lagu qabtay, Dowladda oo deeq dawo ah gaarsiisay maxaabiista Xabsiga Dhexe, Xulista Xildhibaanada Koofur Galbeed oo si habsami leh u socota, Diyaarado cusub oo bilaabay duulimaadyo dalka gudihiisa iyo Djbiouti, Hotel Siyaad oo dib loo furay, Xarun lagu xannaaneeyo darbijiifka oo xariga laga jaray, Masjidka Arbaca Rukun oo dayactir lagu sameeyey iyo Dumarka oo shaqooyin loo abuurayo.

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanaka oo kala saxiixday heshiis lagu habeynayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

waxqabadka-august-15-1

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS mudane Maxamed Aden Ibrahim (Fargeeti) iyo Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u Fadhiya Soomaaliya, James P. McAnulty ayaa magaalada Muqdisho ku kula saxiixday heshiis ay dowlada Maraykanku ugu deeqday lacag dhan $1.5 malyan oo lagu taageerayo dib u habeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Xafladda heshiiskan oo 8dii August 2015 ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xaamud. Hay’adda Mareykanka ee loo yaqaan Bureau of International Narcotics and Law Enforcement Affairs (INL) ayaa waxay bixisay deeqdan taasoo fududeynayso in labada dowladood isaga kaashadaan, si wada jir ahna uga wada shaqeeyaan, sidii loo taakulayn lahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si sare loogu qaado ciidanka tayadiisa si ay uga hortagaan dembiyada abaabulan. Mashruucdaya la fulinayaa ayaa waxaa ka mid ah tababarada, dhaqangelinta nidaamka shaqada iyo sare u qaadida kartida Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyadoo ahmiyada la siinayo Waaxda Dembi Baarista(CID). Mashruuca wuxuu kaloo awood siin doonaa Booliska gobolada ee dhowaan la dhisay kuwaasoo laga caawini doono sidii ay uga hortagi lahaayeen dembiyada iyo argagixisnimada. Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aden Farkeeti ayaa u mahadceliyey Dowladda Mareykanka sida ay mar walba u garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Mareykana ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xiriirka labada wadan, ayna ka go’an tahay dowladiisa inay garab intaan ka balaaran siin doonto Soomaaliya. Gebagadii Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay mid wax weyn ka badeli doono tayada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

waxqabadka-august-15-8

Heshiiska Maamul u sameynta Gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan oo la saxiixay

Madaxweyaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay in la bilaabayo dhismaha Dowlad Goboleed ay yeeshaan gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan. Xaflada lagu saxiixayey heshiiskan ayaa waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Maamulada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan. Sidoo kale xafladan waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo xubno kale, waxaana lagu heshiiyay sidii looga wada shaqeyn lahaa dhismaha Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Goobta ayaa waxaa lagu soo bandhigay hanaanka loo marayo guddiga farsamada ee Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo la isku raacay in muddo 60-cisho ah lagu soo gabo gabeeyo dhismaha Maamulkaasi. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” ayaa sheegay in Wasaaraddu ay gacan ka geysaneyso dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, isla markaana loo marayo hanaan dib u heshiisiineed, isu tanaasul iyo wadatashi lala yeelanayo qeybaha bulshada ee labada gobol. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ugu hambalyeeyay dhismaha dowlad goboleedka Galmudug iyo sida loogu guuleystay, isagoo xusay in Xukuumadda oo jirta muddo yar ay gaartay guul weyn, uuna soo dhaweynayo dhismaha Maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in la qaaday waddadii lagu dhameystiri lahaa nidaamka Federaalka ah, isla markaana dhismaha labada gobol ay ka turjumeyso in dowladdu ay ku talaabsatay hanaan dimoqradiyadeed iyo dowlad wanaag. Shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa la filayaa in uu rasmi ahaan u furmo bisha September kowdeeda, lana soo gabagabeeyo 1-da December, ee sannadkan 2015, markaas oo lagu wado inay dhacdo xafladda caleema saarka madaxda cusub ee maamulka.

waxqabadka-august-15-6

Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka oo su’aalo weydiiyey Madaxa AMISOM

Guddiga Difaace ee Baaralmaanka ayaa 11kii August 2015 su’aallo weeydiiyey Madaxda AMISOM ka dib markii guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ay u yeerteen Danjiraha Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya ahna madaxa howlgalka AMISOM Maman Sidikou, taliyaha Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM Jeneraal Jenathan Ronu, ku xigeenkiisa iyo saraakiil kale oo ka socotay taliska Midowga Afrika ee howlgalka AMISOM. Kulanka oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa waxaa xubnaha guddiga difaaca ee Baarlamaanku ay weeydiiyeen su’aallo la xiriira sida uu u socda howlgalka gobollada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, sharciyada ciidammada AMISOM, xadgudubyo lagu eedeeyey in Ciidammada AMISOM ay ka geysteen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose iyo deegaanno ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Hiiraan. Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegey inay aad ugu faraxsanyihiin kulanka, su’aalaha iyo sida saraaxada leh ee ay u wada hadleen, waxaana uu uga mahad celiyey aqbalaadda u yeerista guddiga, waxyaabaha la isku af gartayna ay ka mid tahay guddiyo labada dhinac ah in loo saaro baarista xad gudubyada lagu eedeeyey ciidammada AMISOM. Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Maman Sidikou ayaa tilmaamay iney aad ugu faraxsan yihiin in Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ay u yeertaan, isla markaana su’aallo la weeydiiyo waxaana uu ballan qaaday dhankooda iney sii wadi doonaan wadashaqeynta ay leeyihiin guddiga Difaaca ee Baarlamaanka.

waxqabadka-august-15-5

Qansax Dheere oo adeegyada bulshada la gaarsiiyey

Degmada Qansax Dheere ee Gobolka Bay oo dhowaan laga xorreeyey kooxaha nabad-diidka ah ayaa la gaarsiiyey adeegyada bulshada. Dowladda Federaalka ayaa mudnaan gaar ah siisa sidii si deg-deg loo gaarsiin lahaa adeegyada bulshada, goobaha laga xorreeyo Al-Shabaab, si shacabka deegaanka ay faa’iidada nabada. Guddoomiyaha gobalka Bay ee Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa 11kii August 2015 socdaal ku tegay degmada Qansax dheere, halkaasi oo ay ugu kuur galayaan xaaladda nololeed iyo tan amni ee degmada. Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay kulamo la qaateen odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada, maadaama ay ka midtahay goobihii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay kala hadlayaan sidii ay ula shaqeyn lahaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Baarlamaanka oo su’aalo weydiiyey Wasiirka Waxbarashada

Baarlamaanka Soomaaliya oo gudanaya waajibaadka loo igmay, isla markaasna muddo waday la xisaabtanka Wasiirada ayaa 9kii August su’aalo weydiiyey Wasiirka Waxbarashada. Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Axmed Aabi Aadan oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in u yeerista Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ay u cuskadeen qodobka 69aad ee Dastuurka Dalka iyo qodobka 72aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Sacabka, isla markaana u jeedku yahay in Wasiirka su’aallo laga weeydiiyo arrimaha Waxbarashada Dalka. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Khadra Bashiir Cali oo khudbad ka jeedisay kulanka ayaa uga mahad celisay Baarlamaanka u yeerista oo muujineysa isla xisaabtan dhab ah oo dhexmara hay’adaha Dowladda, waxaana ay Baarlamaanka faah faahin ka siisay waxyaabaha Wasaaradda u qabsoomay mudada Lixda bilood ah ee ay heyso xilka Wasaaradda, Baarlamaanka ayeyna weeydiisatay iney dejiyaan sharci mamnuucaya in goobaha waxbarashada oo ay ugu horeeyaan iskuullada la deegaameysto. Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay iney Wasiirka Waxbarashada weeydiiyaan su’aallo, waxaana su’aallaha Xildhibaannada ka mid ahaa:- hirgelinta barnaamijka aada dugsiyada (Go to school) sida loo maamulo deeqaha waxbarasho, qaadista imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare, bixinta shahaadooyinka, tababarrada macalimiinta, qorshaha Wasaaradda 2015-2016, sameyna sharciyada waxbarasho iyo in gobollada dalka lagu baahiyo adeegyada Waxbarashada. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Khadra Bashiir Cali oo Xildhibaannada Baarlamaanka uga jawaabtay su’aallaha ay weeydiiyeen ayaa xustay in deeqaha Waxbarasho ay Wasaaraddu si siman ugu qeybisay gobollada Dalka, ayadoo taasina lala kaashaday maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana sidoo kale ay si gaar ah faah faahin uga bixisay qorshaha Wasaaradda ee ku aadan ardayda aanan gelin imtixaankii dugsiyada sare.

waxqabadka-august-15-2

Barnaamijka Heesaha Hirgalay oo Muqdisho lagu qabtay

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ayaa ayaa 9kii August Muqdisho ku qabatay tartanka Heesaha Hirgalay. Tartankaan oo qayb ka ahaa Barnaaamijka soo Noolayanta dhaqanka, Hidaha, farshaxanka iyo heesaha Hirgalay ayaa waxaa ku tartamay Afar Dhallinyaro. Xaawo Cabdi Xasan oo ka mid ah Tartamayaasha ayaa kaalinta koowaad gashay, iyadoo ku Tartamayeeysay Hees wadani ah oo tilmaameysa Dhaqanka Dadka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Degmada kaaraan C/fitaax Nuur Cali oo degmadiisa marti loo ahaa ayaa sheegay in Taariikhda Heesaha Hirgalay ay yihiin kuwo miisaan muhiim ah u leh ummadda Soomaaliyeed. Mareeyaha Wakaaladda Murtida iyo Madadaallada Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf ayaa sheegay in Bulshadda Soomaaliyeed ay Aad ugu fiican yihiin Fanka isla markaana Fanka Soomaalida uu Aad uga sareeyo kuwa kale. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa qeexay siyaasadda Wasaaradda ee ku Aadan soo Nooleynta Dhaqanka, Hidaha, Farshaxanka iyo heesaha hirgalay oo uu sheegay in uu yahay mid muhiimad gaar ah ay siinayso dowladda Federaalka soomaaliya. Barnaamijkan Heesaha Hirgalay oo qayb ka ah barnaamijka soo nooleynta Dhaqanka, Hidaha iyo farshaxanka ayaa waxaa ku tartamaayay Afar Dhallinyaro oo kala ahaa Xaawo Cabdi Xasan oo Gashay kaalinta koowaad, Nuur Maxamed Saciid oo galay kaalinta labaad, Cabdiwali Cumar Cabdulle oo Galay kaalinta sadaxaad iyo Xamdi Maxed Cali oo iyana Gashay kaalinta Afaraad.

waxqabadka-august-15-7

Dowladda oo deeq dawo ah gaarsiisay maxaabiista Xabsiga Dhexe

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa 8dii August 2015 deeq dawo ah gaarsiisay maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee Xamar, taasi oo Wasaaradda uu ka gudoomay Taliyaha ciidanka Asluubta. Wasiirka Cafimaadka Drs Xaawo Xasan Maxamed oo ay wahliyaan mas’uuiyiin ka tirsan Wasaarada iyo saraakiisha Ciidanka Asluubta waxa ay kormeereen qeybo ka mid ah xabsiga dhexe ee Xamar, kuwaasi oo ujeedka kormeekoodu ahaa u kuur gelidda xaaladda caafimaad ee maxaabiista xabsiga ku xiran, waxayna Wasiirada warbixin ka dhageysatay saraakiisha oo ka hadlay xaaladaha ay ku suganyihiin maxaabiista xabsiga ku xiran iyo in uu jiro fasal maxaabiista daruus kala duwan loogu dhigo. Taliyaha Ciidanka Asluuubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo Waraabhinta Qaranka la hadley ayaa sheegay in Taliska Ciidanka Asluubta uu wada dadaalo ku aadan in la hirgaliyo isbitaal ay leeyihiin ciidanka iyo maxaabista ku xiran xabsiga dhexe isgoo uga mahaddceliyay Wasiirka Caafimaadka sida ay u soo gaarsiisay maanta deeqda daawada ah. Marwo Xaawo Xasan Maxamed Wasiirka Cafimaadka ayaa sheegtay in Taliska Ciidanka Asluubta ay ka tageereyso sidii loo hirgelin lahaa isbitaal ay leeyihiin ciidanka asluubta si adeegyo cafimaad loogu qabto maxaabista ku jirta Xabsiga Dhexe. Wasaaradda Cafimaadka ayaa dadaalo xoogan ugu jirto sidii loo horumarin lahaa Cafimaadka dalka, iyadoo deeq sidaan oo kale ay horey u gaarsiiyeen qaar ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

waxqabadka-august-15-9

Xulista Xildhibaanada Koofur Galbeed oo si habsami leh u socota

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa 9kii August 2015 magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxa uu ka furey shir lagu soo xuli doono golaha Wakiilada ee Maamulka Koonfur Galbeed. Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminayo oo si diiran 9kii August loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ayaa halkaasi ka furay shir socon doono muddo 30 cisho ah oo ku saabsan soo xulidda wakiilada Maamulka Koonfur galbeed. Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka oo shirka ka hadlay ayaa codsaday in gacan lagu siiyo soo xulidda Xildhibaannada baarlamaanka uu yeelanayo Maamulka Koonfur Galbeed. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudane Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed ayaa bulshada ku dhaqan Koonfur galbeed ku amaanay, isagoo kula dar daarmay inay ku soo daraan haweenka oo sida dastuurka uu qabo ay tahay 30%. Mudane Cabdiraxmaan Odowaa iyo xubnaha la socday ayaa waxa ay kulamo la qaateen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee dalka Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xaaladda Maamulka.

Diyaarado cusub oo bilaabay duulimaadyo dalka gudihiisa iyo Djbiouti

Dowladda Federaalka ayaa ganacsatada Soomaaliyeed u abuurtay jawi nabad ah oo fursad u ah in ganacsiga uu kobco. 14kii August 2015 ayaa daahfur loo sameeyey duulimaad Diyaaradda Air Jabuuti ay ku kala bixin doonto magaalooyinka Muqdisho iyo Jabuuti. Diyaaradii u horeysay ee nooceeda uu yahay kuwa xamuulka ah ee Jabuuti Airline ayaa si rasmi ah u bilowday dulimaadkeeda Muqdisho muddo 24 sano kadib, iyadoo 14ka August dulimaad ku timid Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda iyo Ganacsiga, Madaxda Rugta ganacsiga, Xildhibaanno iyo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Rooble ayaa kaga qeybgalay garoonka diyaaradaha caalamiga Aadan Cadde ee Muqdisho daahfurka dulimaadkaasi. Sidoo kale Magaalada Muqdisho ayaa 13kii August 2015 waxaa lagu soo bandhigay diyaarad cusub oo ku soo biireysa diyaaradaha ganacsiga ee rakaabka ah islamarkaana isaga kala goosha gobolada dalka, iyadoo diyaaradani oo ah nooca 120-ka lagu magacaabo Star Som. Axmed Daahir Nuur oo ka mid ah maamulka diyaarada Star Som Air ayaa sheegay in sababta ay ugu dhiiradeen diyaaradani ka shaqeyneysa goollada dalka in ay tahay markii ay isu furmeen Bulshada oo dhan, loona baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin. Diyaaradda Star Som Air ayaa safarkii ugu horeeyey u aaday magaalooyinka Gaalkacyo iyo Beladweyne, waxaana ay sameyn doontaa fursado kale oo ay dadku ku geyso deegaannada ay u baahan yihiin. iyadao xafiisyo ka hirgalinaysa adeegyadeeda ay ka heli doonaan degmooyinka gobolada dalka iyo caasimada, waana diyaradii ugu horeysay oo duulimaad toos ah ka bilowda muqdisho iyo garoowe.

waxqabadka-august-15-10

Hotel Siyaad oo dib loo furay

Hotelka Siyaad oo Maleshiyaadka Al-Shabaab ay weerareen Bishii Ramadaan ayaa dayactir lagu sameeyay dina loo furay 10kii August 2015. Munaasabada dib loogu furayay Hotelkaasi ayaa waxaa ka qeybgalay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliska Somaaliyeed, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Marti sharaf kale. Gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda Yaasiin Nuur Ciise ayaa sheegay in dib loofuray Hotelka oo dayactir lagu samaeeyay kadib Weerarkii Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku qaadeen wuxuuna intaa ku daray in Amniga Hotelka Siyaad wax laga badalay. Guddoomiyaha degmada Waaberi Xaawo Kiin Maxamuud Cali oo munaasabadda ka hadashay ayaa soo dhaweeysay furitaanka hoteelkaasi, iyadoo sheegtay in weerarada argagixiso ee Alshabaab aysan hakin doonin horumarka bulshada, waxeyna ku dhiirrigelisay ganacsatada iney kordhiyaan maalgelinta dalka.

Xarun lagu xannaaneeyo darbijiifka oo xariga laga jaray

Marwada Madaxweynaha Dalka Sahro Cumar Xasan ayaa 13kii August 2015 xariga si rasmi ah uga jartay Xarun lagu xanaaneynayo caruurta darbi jiifka ah oo Muqdisho laga hirgaliyay. Munaasabad lagu qabtay xaruntaasi oo ku taala degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaanno, Wasiir ku xigeenno iyo marti sharaf kale. Dowladda Federaalka ayaa in muddo ahba waday dadaallo ku aadan sidii adeegyada bulshada loo gaarsiin lahaa shacabka Soomaaliyeed, tanoo tusaale u ah horumarka ballaaran ee waddanka ka jira. Xaruntan ayaa carruurta iyo dhalinyarada darbijiifka ah u ah fursad ay wax ku bartaan oo horseed u noqda mustaqbal wanaagsan.

Masjidka Arbaca Rukun oo dayactir lagu sameeyey

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Cabdulqaadir Sheikh Cali Ibraahim (Baqdaadi) ayaa 13kii August 2015 furay dib u dhiska Masjidka Arbaca Rukun oo dhisan in ka badan 8 Qarni, masjidkaasi oo uu soo gaaray burbur lixaad leh. Wasiir Baqdaadi ayaa sheegay in dhismaha Masjidkaan ay iska kaashanayaan Wasaaradda Diinta iyo Hay’adda Isra ee Dalka Turkiga, isaga oo sheegay in ujeedadu ay tahay in looga faa’ideeyo Umada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa sheegay in Bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay socodsiinta Masjidka, si uu usii jiro muddo fog. Wasiirka ayaa Soomaalida u bandhigay inay Waqaf u sameeyaan oo ay dhameystirto waxa dhiman, oo ay wax uga soo baxaan si uu wakhti dheer usii jiro. Masjidka Arbaca Rukun ee degmada Xamarweyne ayaa ka mid ah masaajidda ugu da’da weyn ee ka dhisan dalkeena Soomaaliya.

Dumarka oo shaqooyin loo abuurayo

11kii August ayaa Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul Insaanka waxey soo agaasintay kulan lagu dhiirigelinayo shaqo abuuris loo sameeyo dumarka, iyadoo haweenka qaarkood u aadi doona dalka Hindiya si ay u soo bartaan xirfado shaqo u abuuri kara. Xafladan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Madaxa Hey’ada Drs Xaawa Foundation iyo Agaasimaha Guud ee Kolejka Banderfood Bunker Roy ee dalka Hindia iyo Afar haween Soomaaliyeed oo loo qaadi rabo dalka Hindia, si loo baro xirfadda lagu sameeyo leerarka cadceedda ku shaqeeya iyo marti sharaf kale. Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay sida Hey’ada ka shaqeeysa horumarinta bulshada iyo Dowladda Soomaaliya ay isaga kaashan lahaayen in dadka Soomaaliyed ee aan helin fursadaha wax barasho loogu sameyn lahaa xirfado ay ku shaqeeystan oo ay dalkooda iyo dadkooda ku horumariyaan. Drs Deeqa Aadan Maxamed ayaa sheegtay inay tahay markii ugu horeeysay ee haween aan waligod waxbaranin loo qaado dalka dibadiisa, iyagoo la baraayo xirfada sameeynta nalalka cadceedda ku shaqeeya, iyagoo 6 bilood kaddib marka ay dalkooda dib ugu soo laabtan ay wax u qaban doonan dalkooda. Agaasimaha Guud ee Kolejka Banderfood Bunker Roy ayaa sheegay intay tahay markii ugu horeysay oo ay Dowlada Hindia ay Tababar xirfadan la xariira ay u sameyso gabdho Soomaaliyeed. Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay ku howlan tahay sidii loo horumarin lahaa xirfadaha Haweenka Soomaliyeed, si haweenka xirfadaha la baro ay dalkooda waxtar ugu noqoto.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment