561 Views

Golaha wasiiradda deegaanka Soomaalida Itoobiya oo dardar galinaya wax ka qabashada abaaraha

Golaha wasiiradda deegaanka Soomaalida Itoobiya oo dardar galinaya wax ka qabashada abaaraha
____________________________________________________________________________


khamiis: January 6, 2022

Golaha wasiirada ee deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa maanta kulan ay ka yeesheen xaaladda abaaraha waxey go’aamiyeen dardar gelinta ka jawaabista xaaladda abaareed ee deegaanka.

Waxaa qoddobada xukuumadda meel marisey kamid ah in dhammaan xubnaha magacaabista ee dowladda, ay bil mushaarkooda ah ugu deeqaan dadku abaaruhu saameeyeen.

Maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa diraya qeylo dhaan ku aadan abaaraha, iyadoo laga cabsi qabo xaaladda iney kasii darto billooyinka soo socda, maadaama xiliga Jiilaalka nagu soo fool leeyahay.

Wasiirka ka hortagga khataraha masiibooyinka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Axmed-Yaasiin Sheekh Ibraahim, ayaa sheegay in lacagta ay tabaruceen, ay muujineyso sida ay uga go’an tahay iney dhibaatada la qeyb sadaan shacabka abaaruhu ay soo wajaheen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post