3300 Views

Waddooyinka Muqdisho oo maanta xiran iyo dadka oo eedayo Madaxda iyo Musharaxiinta

Waddooyinka Muqdisho oo maanta xiran iyo dadka oo eedayo Madaxda iyo Musharaxiinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 10, 2016: Waxaa saaka xiran waddooyin badan oo isku xira degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo xirnaanshaha waddooyinka ay saameyn ku yeelatay dadweynihii saaka u kalahayay goobahooda shaqo.

Dadweynaha ayaa ahaa kuwo lugahooda maalaya, mana jiro wax gaadiid ah oo wadada isticmaalaya, waxaana saameynta ugu badan ay ku yeelatay gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaano.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ah mid meelo badan ka xiran, laga bilaabo Madaxtooyada illaa Isgoyska KM4, sidoo kale waxaa xiran wadada Taleex.

Sidoo kale waded aada Garoonka diyaaradaha ayaa iyana xiran, inta u dhaxeysa Isgoyska Km4 illaa Zoope ayaa ah meelaha aanay saaka wax gaadiid ah isticmaaleyn.

Qeybo ka mid ah wadad Wadnaha ayaa iyana ah meelaha saaka xiran, iyadoo lagu arkayay dad lugeynayay oo u sii socda Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Tallaabada xirnaanshaha waddooyinka ayaa lagu tilmaamay mid la xiriirta sugida amniga shir madaxeedka IGAD oo lagu wado in todobaadkan ka dhaco Muqdisho.

Meelaha waddooyinka ka xiran yihiin ayaa la sheegayaa inay tahay goobaha ka ag dhow halka shirka ka dhacayo, hase ahaatee meelo aanay shirka u dhoweyn ayaa saakay xiran.

Xirnaanshaha waddooyinka ee maanta ayaa ku soo beegmaya, iyadoo wali magaalada Muqdisho uu shir uga socdo Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran, isla markaana maanta ku eg tahay muddo xileedkii sharciga ahaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment