1431 Views

Ciidamada booliiska Soomaaliya oo jirdil u geystay wariyeyaal, xili ay tabinayeen

Ciidamada  booliiska Soomaaliya oo  jirdil u geystay wariyeyaal, xili ay tabinayeen
____________________________________________________________________________

May 17 2021

Ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa jirdil u geystay wariyeyaal, xili ay tabinayeen bannaabax ay dhigayeen waalidiin ka cabanaya dowladda Soomaaliya.

Wariye Fardowsa Maxamuud Sahal oo kamid ah bahda KNN ayaa qeyb ka aheyd warfidiyeenka maanta jirdilka ay geysteen ciidamada booliika.

Senator Muuse Suudi Yallaxow oo kamid ah xilidhibaanada Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadkay falkaasi, isagoona eedeyn u jeediyay Ra’iisul wasaaraha XFS.

“Gabaraa Kaamirada laga jajabiyay, gacanaa loo lala tagey, talyaha degmada Xamarweyne aana ula tagey, Ra’iisul wasaarow adigaa lagu haystaa haddan ragaasi gacanta lagu soo dhigin” ayuu yiri Muuse Suudi.

Waalidiinta askar dowladda Soomaaliya tababar ugu qaaday dalka Ereteria ayaa maanta dhigay bannaabax ay kaga soo horjeedaan dowladda.

Dadkaan ayaa bannaabaxa ka dhigay taallada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere, iyadoo ciidamada booliiska ay rasaas u adeegsadeen kala ceyrintooda.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post