636 Views

Howlgal laga sameeyay Caabudwaaq oo lagu soo qabtay khamri fara badan

Howlgal laga sameeyay Caabudwaaq oo lagu soo qabtay khamri fara badan
____________________________________________________________________________

Khamiis: AUGUST 4, 2022

Laamaha Ammaanka ee degmada Caabudwaaq howlgal ay sameeyen ayey ksuoo qabteen khamri farabadan, kuwaas oo ay saraakiisha howlgalka horkaceysay ku sheegeen in laga ganacsanayay.

Sidoo kale ciidamada ayaa howlgalkooda ku qabtay dad lagu tuhmayo inay ka ganacsanayen, waxaana laga fuliyay Xaafado katirsan degmada Caabudwaaq ee waqooyiga  Gobolka Galgadud.

Saraakiisha ciidanka ayaa warbaahinta u sheegay in mid kamid ah Guryaha ku yaalla Xaafada Kowda luulyo ee degmada Cabudwaaq ay kasoo saareen 15 kartoon oo khamri ah una dhiganta 360 dhalo.

Sidoo kale, waxay carabka ku dhufteen in khamrigaan la doonayay in loo gudbiyo degmooyinka kale ee Galmudug , hayeeshee markii ay ka warheleen ay fashiliyeen.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud laga sameenayay howlgallo ka dhan ah kooxaha burcadka ah iyo iyo kuwa ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya, waxaase xusid mudan in marar badan la soo bandhigay kuwa lagu soo qabtay howlgallo ay laamaha ammaanka sameeyen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post