780 Views

Gudoomiyihii hore ee BS oo qaatay shahaadada Xildhibaanimo

Gudoomiyihii hore ee BS oo qaatay shahaadada Xildhibaanimo
____________________________________________________________________________


Axad: April 3, 2022

Maalintii 2- aad waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Guddiga FEIT ka socda bixinta shahaadooyinka Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad.

Shalay xildhibaano dhowr ah ah oo laga soo kala doortay Galmudug, Hirshabeelle Jubaland iyo Muqdisho gaar ahaan kuwa Reer Waqooyiga (Somaliland) ayaa qaatay shahaadada Xildhibaanimo, balse maanta waxaa la filayaa in 70 xildhibaan in ka badan la guddoonsiiyo Shahaadada Xildhibaanimo, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Guddiga FEIT Muuse Geelle Yuusuf.

Qoraal ay hore usoo saareen Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, waxaa ay ku sheegeen in 14-ka April loo asteeysy in lagu soo gebogebeeyo doorashada labada aqal iyo guddoonkooda, si loogu gudbo doorashada madaxweynaha dalka.

Qoraal kasoo baxay goordhow Guddiga Doorashooyinka FEIT ayaa lagu yiri “Waxaa si habsami leh u socota bixinta Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegay in Xubno ka mid ah kuwa Koonfur Galbeed ku metalaya Baarlamaanka JFS  oo uu  hoggaaminayay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Shariif Maxamed Cabdalla ay soo gaareen Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel.

Guddiga FEIT ayaa shaahadada Xildhibaanimo guddoonsiiyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe (HOP#189) iyo Shariif Maxamed Cabdalla (HOP#085) kuwaas oo noqonaya xubnihihii ugu horreeyay ee qaata shahaadada Xildhibaanimo kuwaas oo laga soo doorto Koofur Galbeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post