1404 Views

Rooble oo ku siijeeda Hay’adda Nabad Sugida Habar Khadiijo iyo Cabsi laga qabo isku dhac laga soo abaabulay Villa Somaliya

Rooble oo  ku siijeeda  Hay’adda Nabad Sugida Habar Khadiijo  iyo Cabsi laga qabo isku dhac laga soo abaabulay Villa Somaliya
____________________________________________________________________________

 Arbaco: September 8, 2021

Warar hor dhac ah ayaa soo baxaya saacadihii la soo dhaafay oo sheegaya in uu ku sii jeedo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in uu kormeer shaqo ku tago Xarunta Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee kuyaala guriga Habar Khadiijo.

Wararka ayaa sheegaya in la xiray Wadooyinka soo gala halkaas oo ay Xireen Ciidamo gaar ah oo laga keenay Villa Somaliya, waxaana Cabsi ka jirtaa halkaas saacadihii la soo dhaafay. Waxaana laga cabsi qabaa in Xabad halkaas ka bilaabato.

Rooble ayaa la sheegay ujeedka uu u tagayo xarunta Nabad Sugida in ay tahay sidii uu u geyn lahaa taliyaha cusub ee NISA Janaraal Bashiir Goobe uu labo maalin kahor xilkaasi si KMG ah ugu magacaabay.

Janaraal Bashiir Goobe ayaa tan iyo markii xilkan loo magacaabay aysan usuurto gelin in uu tago xarunta NISA maadaama khilaaf ka jiro magacaabistiisa uuna diiday Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

about:blank Sidoo kale Wareegto uu xalay soo saaray Farmaajo ayuu sidoo kale ku magacaabay taliye cusub oo yeelaneyso Hay’adda NISA taa oo xaalada uga sii dartay, waxa ayna hada ciidamada NISA leeyihiin labo taliye ay kala magacaabeen Farmaajo iyo Rooble.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post