252 Views

Xasan oo ka jawaabey siyaasaddiisa Somaliland ciidanka Ereteeriya ku maqan, iyo arrimo kale

Xasan oo ka jawaabey siyaasaddiisa Somaliland ciidanka Ereteeriya ku maqan, iyo arrimo kale
____________________________________________________________________________

Sabti: September 17, 2022


Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaaliga ah mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu casumey machadka loo yaqaan Center for Strategic and International Studies (CSIS) ee magaalada Washington, waxaana uu ka jeediyey khudbad, kadibna waxaa la weydiiyo su’aalo muhim ah oo ku saabsan xaaladda dalka iyo barnaamijkiisa siyaasadeed ee ku aadan, la dagaalanka argagixisada, wada hadalka Somaliland, ciidamada Ereteeriya, xiriirka dalalka dersika iyo weliba wax ka qabashada abaaraha iyo gaajada.

Khudbadda Madaxweynaha

Khudbadda madaxweynaha ayaa u badneyd Amniga iyo al-Shabaab, siyaasadda loo isticmaalayo, waxaana uu sheegay in 15-kii sano ee u danbeysey siyaasadda caalamku kula dhaqmaayey al-Shabaab ay tahay in lagu hayo xuduudka Soomaaliya, taasna ma ahan mid shaqeysey ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa aad ugu dheeraadey barnaamijkiisa lagula dagaalamayo al-Shabaab iyo ISIS, waxaana uu sheegay in uu lee yahay khibar ku filan oo ay beddalayaan siyaasadda lagula dagaalmayo.

La dagaalanka Argagxisada

Khudbadda Madaxweynaha ayaa si weyn ugu nuux nuuxsadey isbeddelka ka socda dalka ee gaarey ciroole iyo dhalinyaro in hubka la qaatey oo beeluhu doonayaan in ay iska kiciyaan al-Shabaab, waxaana uu yiri waxaa ii muuqata fursad weyn oo ay dhici karto inaan dib loo helin, waana sababta aan doonayo in Maraykanku nagu taageero la dagaalanka al-Shabaab.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay in albaabka wada hadalka ee al-Shabaab dhankooda uu ka furan yahay laakiin dhanka ururka al-Shabaab uu ka xiran yahay, waxa uu ku faaney sida uu xukuumadiisa ugu soo daray asaasayaashii al-Shabaab (Abuu Mansuur), kadib markii uu dhaqan celin marey, kana waantoobey xagjirnimadii ayuu yiri, sidoo kale waxa uu sheegay in kuwo ka soo baxay ay ku jiraan laamaha amniga

Wadahadalka Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in arrinta Somaliland uu horey uga soo shaqeeyey laakiin aysan natiijo wanaagsan dhalin, haatan Somaliland waxay taagan tahay xaalad kala guur ah, waxaa albaabka taagan doorashadii waxaa muuqata in aysan wakhtigeedi ku dhacayn, waxaana halkaas ka jira khilaaf, sidaas darteed ilaa xaaladoodu degto waan isu deynaeynaa, mana bilaabeyno wax wada hadal ah, laakiin xiriir waanu leenahay madaxda iyo mucaaradkaba khadkuna waa noo furan yahay ayuu yiri.

Mashaariicda Imaraadka

Dhanka kale mar la weydiiyo barnaamijyada Imaraadku ka wadaan halkaas, ayuu yiri ma dooneyno in aan hormarinta dalka siyaasadeyno, waa soo dhaweyneynaa arrimaha Imaaraadku ka wadaan Somaliland iyo Puntland, xaqiiqadu waa dhibaatooyinka dalka ka jira waxaa ugu weyn fakhriga, sidee ayaan marka uga hor imaan karnaa dekado iyo garoomo la dhisaayo, waxaana uu ku amaaney Imaaraadku shaqada ay hayaan, anaguna heshiis ayaan galney Imaaraadka wuxuuna ku tilmaamey Saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya.

Ciidamada Ereteeriya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la weydiiyey sababta uu safarkiisi ugu horeeyey ee gobolka u doortey Ereteeriya oo uu joogo keligii taliye Isaias Afwerki. Xasan Sheekh ayaa yiri, waxaad ogaataan markii aad baahan tahay qofkasta oo koob biyo ah ku siiya waad ka qaadan.

Xasan Sheekh ayaa Isaias Afwerki ku amaaney in uu Soomaaliya ciidamo u tababaray oo qalabeeyey sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu daaha ka qaadey arrin kale oo madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo sheegtey laakiin Xasan Sheekh uu siiyey Isaias Afwerki oo ahayd in uu diidey in ciidanka dalka loo soo daabulo maadaama xaalad qasan dalka ay ka jirtey ayuu yiri, markii la i doortey sidaas ayaan u tegay in naan soo arko wiilashayada, waxaana dowladda Maraykanka ka codsanaynaa in ciidamadaas nala ka caawiyo sidii aan soo daabuli lahayn, waxayna qayb weyn ka geysan karaan ayuu yiri la dagaalanka al-Shabaab.

Xiriirka dalalka deriska

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalalka dersika ah oo dhan xiriir fiican ka dhexeeyo, eeg ma dooneyno in Soomaaliya ay yeelato cadow banaanka ah iskaba dhaaf dal aan deris nahaye ayuu yiri,, wuxuu ku amaaney dalalka JabuutiKenya iyo Itoobiya in wiilashoodu ku dhintaan Soomaaliya iyaga oo la dagaalamaya argagxisiada, si Soomaaliya nabad u hesho iyaguna uga nabad galaan ayuu yiri.

Abaaraha iyo gaajada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la weydiiyey waxa uu ka qabtey abaaraha iyo gaajada dalkiisa laga soo sheegayo ayuu yiri, ugu horreyn waxaan magacaabey ergay gaar ah ka hor inta aanan magacaabin raysalwasaaraha, waxaana uu qabtey shaqo wanaagsan, abaarta ayuu sheegay in ay sababtey roob la’aan, wuxuu ku nuuxnuuxsadey “in aysan Soomaaliya lahayn wershadu wasakh hawada u dira, laakiin waxaan dhibbane u noqoney dalalka hormarey” gaajada ayuu mar kale ku celiyey in aysan macaluul gaarin, sababta uu ugu dhawaaqi waayey in dalka macaluul uu galay ay tahay ay saameyn kale oo weyn dalka ku yeelanayslo, khibradeedana aan leenahay ayuu yiri.

Booqashada Maraykanka iyo kulamada kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii Khamiista tegey Maraykanka ayaa kulamo la qaatey xoghayaha wasaaradda gaashaandhigga, sidoo kale waxa uu la kulmey Jake Sullivan la-taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka oo ku qaabiley Aqalka cad.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa mudada uu joogo gobolka Maryland in uu la kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan, kahor inta aanu u duulin magaalada New York oo uu ka furmaayo shirka loo dhan yahay ee 77 ee lmmadaha Midoobey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post