1242 Views

Wafdi Ka Socda Dowladda Somalia Oo Ka Qeyb Galay Shir Looga Hadlayay Kahor-Taga Walxaha Qarxa

Wafdi Ka Socda Dowladda Somalia Oo Ka Qeyb Galay Shir Looga Hadlayay Kahor-Taga Walxaha Qarxa
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 02, 2018 –Wasaaradda Amniga Dowladda Federalka Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir looga hadlaayay baahida Soomaaliya ay qabto si ay u fuliso waajibaadka ka saaran in ay bur-buriso Miinooyinka Dhulka iyo Walxaha qarxa, maadama Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka tahay Dowladdaha Saxiixay heshiiska Ottowa Treaty iyo Caqabadaha hortaagan in lago dhigi Soomaaliya meel ka madax banaan Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa.

Shirka oo lagu soo gaba gabeeyey magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdinasir Siciid Muuse oo ahaa Madaxa Wafdiga Soomaaliya, Safiirka Somaaliya ee Switzerland Faaduma Cabdullaahi Maxamed iyo Wafdi kale oo ka socday Hay’adda Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa (SEMA) ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale kaso qeyb galay shirka Dowladdo daneynaya in ay wax ka qabtaan Soomaaliya iyo Hay’addo Caalami ah, sida Netherlands, Finland, European Union, Canada, Norway, UNDP, UNMAS iyo kuwa kale, iyadoo shirar gooni gooni lala yeeshay Hay’addaha kala ah UNMAS, UNDP ITF and DDG.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdinasir Siciid Muuse waxuu ka sheegay shirkaas in si loo gaaro in ay Soomaaliya noqoto meel ka madax banaan miinooyinka sanadka 2022 loo baahanyahay in la dardargeliyo howlaha miino saarka Dalka ay ka hayaan Hay’addaha Caalamiga ah.

Sidoo kale waxuu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay geyn doonto Baarlamanka sharciga Miino Saarka Dalka Soomaaliya iyo kan Hay’adda SEMA iyo in sidoo kale la caawiyo dadka Ku wax yeelobay qaraxyadda Miinoyinka iyo walxaha Qarxa madama Dowladda Soomaaliya ay Saxiixday heshiiska caalamiga ee CRPD.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment