1356 Views

Qarax Dad Ku Dhinteen oo ka dhacay Shiinaha

Qarax Dad Ku Dhinteen oo ka dhacay Shiinaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 23da Maarso, 2021Wararka ka imaanaya Dalka Shiinaha ayaa sheegaya in 4 Qof ay ku dhinteen, shan kalane ay ku dhaawacmeen, ka dib markii nin uu bumba Gacmeed uu ku qarxiyay xafiis dowladeed oo ku yaal koonfurta Dalka Shiinah , sida laga xigtay masuuliyiinta deegaanka wax ka dheceen.

Nin 59 jir ah oo looga shakisan yahay in uu masuul ka ahaa qarxa ayaa sidoo kale ku dhintay qaraxa, booliska deegaanka ayaa ku sheegay akoonkooda Weibo, iyaga oo intaa ku daray in shan qof ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Dhacdadu waxay ka dhacday meel u dhow magaalada koonfurta ku taal ee Guangzhou aagga tuulada yar ee Mingjing, oo ay ku nool yihiin qiyaastii 3,000 oo qof oo deggan isla markaana ah goob loogu talagalay dib u dejinta dadka deegaanka.

Muuqaal laga wadaagay barta wararka ee Jiemian ayaa muujisay xafiis burburay, iyada oo dhiig badan oo qulqulaya lagu arkayay iyo ugu yaraan laba qof oo aan dhaqdhaqaaq lahayn oo dhulkayaalay.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in qaraxu ka dhacay xafiiska guddiga tuulada, kaas oo go’aamiya arrimaha la xiriira isticmaalka dhulka ee dalkaasi shiinaha.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post