2343 Views

Wasiir Yariisow oo sheegay in nabaddoon xalay lagu dilay Wanllaweyn uu ahaa Al-shabab

Wasiir Yariisow oo sheegay in nabaddoon xalay lagu dilay Wanllaweyn uu ahaa Al-shabab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 28, 2017 – Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maalmahaan danbe ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa uu sheegay in in ciidamada Amaanka looga baahanyahay in ay soo qabtaan Ragii ka danbeeyay Dil habeen ka hor Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Sargaal ka tirsanaa Ciidanka Amaanka.
 33333333333333
Cabdiwali Gaas Ayaa sheegay inuu amar ku siiyay Ciidamada Amaanka ee Maamulka Puntland in ay soo qabtaan Dadkii ka danbeeyay dilka Sargaalka oo uu tilmaamay in Cadaalada la horgeyn doono.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sidoo kale maanta waxaa uu kulamo la qaatay Xubnaha Golaha Deegaanka Ee Magaalada Gaalkacyo isagoo Shacabka ku Dhaqan Gobolka Mudug ka dalbaday in hay’adaha Amaanka kala shaqeyaan Nabadeynta Magaalada iyo guud ahaan Gobolka.
Cabdi wali maxamed Cali Gaas ayaa Maalmihi u danbeeyay waxaa uu ku suganyahay Magaalada Gaalkacyo oo uu ka wado Dhameystirka Xal u helidda coldaada Magaaladaasi mudada ka jirtay.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment