1518 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaarey Magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaarey Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 30–2019 | —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

 

Kheyre ayaa waxaa Garoonka Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo halkaasi ku sugnaa iyo kuwo ka tirsan Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

 

 

Keyre ayaa qorshuhu ahaa in uu Dhuusamareeb tago 28-kii Bishaan,hayeeshee uu uga baaqsaday sababo la xiriira qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

 

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la qaato Xubnaha Hoggaanka Ahlusunna iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,waxaana u jeedka safarkiisa uu yahay in uu la socdo habka xulista Xildhibaannada Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment