483 Views

Madaxweynaha Puntland oo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka kala hadlay Abaaraha

Madaxweynaha Puntland oo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka kala hadlay Abaaraha
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga cusub ee Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador, James Swan oo ay weheliyaan Madaxa ugu sareeya ee hay’adda UNFPA Soomaaliya Niyi Obuolape iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland, Guy Griffin.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Abaaraha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaa si qoto-dheer loo dul-istaagey sidii Beesha Caalamku door muuqda uga qaadan lahayd ka jawaabidda xaaladda abaarta iyo u gargaaridda shacabka abaartu saamaysay, Amaanka, dardargelinta Dimuqraadiyeynta iyo mashaariicda horumarineed ee hay’addaha caalamiga ah ka wadaan Puntland.

Waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey kalanka Wasiirka qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland, waxaana kulanka lagu adkeeyay wadashaqeynta Puntland iyo Beesha Caalamka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post