456 Views

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo shir uga qeyb galaya Dalka Iran

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo shir  uga qeyb galaya Dalka  Iran
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 20, 2022

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa shalay  ku tagay dalka Iran safarkiisii ​​ugu horeeyay ee caalami ah oo ka baxsan xuduuda dalkiisa la isku odhan jiray Midowga Soofiyeeti, tan iyo markii uu bilaabay duulaanka uu ku qaaday dalka Ukraine, kaas oo si ba’an u burburiyay xidhiidhkii uu la lahaa reer galbeedka.

Putin ayaa magaalada Tehran kula kulmay madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi, iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Waxa uu sidoo kale Salaasadii la kulmay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Khamenei, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Iran.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan joogo dalkan aan martida u ahay ee Iran…Waxaan ku faani karnaa xadka uu gaarey rikoodhka kobaca ganacsiga,” ayuu yiri Putin oo kulan laba geesood ah la yeeshay Raisi.

“Waxaan xoojineynaa iskaashiga naga dhexeeya arrimaha amniga caalamiga ah, annaga oo gacan weyn ka geysaneyno xallinta colaadda Suuriya.”

Raisi ayaa sidoo kale bogaadiyay “muhiimadsiinta” ay ka go’an tahay iskaashiga amniga ee labada dal.

“Waxaa jirtay waayo-aragnimo wanaagsan oo ay labada waddan ka heleen la-dagaalanka argagaxisada, taasoo aan is-leeyahay waxay keentay ammaanka gobolka,” ayuu yiri.

Xiriirka Ruushka iyo Iran ayaa waxaa ka digey saraakiisha reer galbeedka, xilli Ruushanku isu diyaarinayo inuu dardargeliyo duullaanka dhulka ee bariga Ukraine ka dib markii ciidamadiisa ay qabsadeen gobolka Luhansk.

Sirdoonka Maraykanka ayaa xog ay dhawaan shaaciyeen ay tilmaamaysaa in Iran la filayo inay Ruushka siiso “boqolaal” diyaaradaha aan duuliyaha lahayn – oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee awooda in ay xambaaraan hubka – si loogu isticmaalo dagaalka Ukraine, iyadoo Iran ay isu diyaarinayso inay bilawdo tababarida ciidamada Ruushka siday u siticmaali lahaayeen.

Ruushanka ayaa dhankooda sheegaya in aysan xogtaasi waxba ka jirin, isla markaana diyaaradaha droneku aysan ku jirin ajandaha shirka.

Hanad Askar

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post