915 Views

Golaha wakiillada Somaliland oo soo saaray xeerka xakameynta tahriibka

Golaha wakiillada Somaliland oo soo saaray xeerka xakameynta tahriibka
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 26, 2022

Golaha wakiillada ee JamhuuriyaddaSomaliland ayaa meel mariyey xeerka xakameynta iyo la dagaallanka tahriibka iyo ka ganacsiga dadka.

Axmed Nuur Guruuje, oo ah guddoomiyaha guddiga xildhibaannada ee xeerkan soo diyaariyey, ayaa carabka ku dhuftey inuu sharcigan qabanayo hey’ad iyo shaqsiba.

Guruuje, ayaa tilmaamey tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka bani’aadamka iney yihiin laba dambi oo weyn, oo haatan wixii ka danbeeya aaney Somaliland u dulqaadan doonin dadka ku kaca dambiyadan.

Wuxuu xusey Guruuje in haddii dadka wax tahriibinaya ay dilaan qof kamid ah dadka ay tahriibinayaan, in iyaguna la toogan doono, sida uu dhigayo xeerka lasoo saarey.

Xeerka ayaa loo gudbinayaa madaxweyne Muuse biixi, si uu qalinka ugu duugo.

.

Office Nairobi Kenya


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post